Taliye SHUB oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa maanta shaaciyay in shaqada ciidanka uu ka eryay 32 askari, kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka asluubta.

Taliyaha ayaa sheegay in askartaan uu shaqada ciidanka uga saaray laba maalmood gudahooda, kadib markii ay ku cadaatay in ciidanka ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye Shub ayaa sheegay in hadda kadib aan loo dulqaadan doonin askarta ciidanka ku dhex joogta cabtooynimada, islamarkaana ay ka sifeyn doonaan ciidanka kuwa bulshada leh.

“Anaga ciidanka ah hadda xashiish cabno oo wadada la taaganahay calaq, ciidan waaye la leeyahay oo canshuurtii umadda Soomaaliyeed laga qaaday inta mushaar looga dhigay. Xashiisheyste hadda noqoto suurtoobi-weyso in aad ciidanka kamid noqoto,” ayuu yiri Taliye Shub.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Laba beri gudaheeda 32 qof oo xashiishteyse ah ayaa gacanteyda ku rusqeeyay, oo irida laga saaray. Fadhiyada dhiman ee alkuulista keenin bal Ilaahay idinku dhaarshe keena waa rusqeynayna.”

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa waxa uu sheegay inay rabaan ciidan nadiif ah oo ka madhan daroogo, oo ka tarjumaya sharafta ciidanka Soomaaliyeed.

“100 askari xataa manoo soo hadho, 100 askari oo nadiif ah ayaa rabna, oo sharaf leh, oo sharaftii ciidanka muujineysa. Inta aan maanta joogno aan wax toosino.”

Tallaabadan uu qaaday Taliye Shub ayaa daba socota amar uu dhawaan faray saraakiisha ciidanka asluubta, kaasi oo kaga dalbaday inay usoo gudbiyaan askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya.

Si kastaba, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.