XIJAAR oo ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha weerarkii Hoteelka Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerarkii saacadaha badan qaatay ee lagu qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa marka hore xaqiijiyey in gebi ahaanba la soo afjaray weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday, kuna qabsatay dhismaha Hoteelka Xayaat oo ku yaalla KM4.

“Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa la socod siiyo in howlgalkii ka socday Hoteel Xayaat la soo afjaray xalay saqdii dhexe,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen illaa 106 qof oo ku go’doonsanaa dhismaha hoteelka la weeraray.

“Muddadii uu howlgalka socday waxa ay hay’adaha amniga xoogga saareen bad-baadinta iyo bad-qabka muwaadiniinta goobta ku sugnaa waxayna ku guuleysteen bad-baadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Hoteelka Xayaat, wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay in laga war sugi doono wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Tirada dadka ay wax ku gaareen goobtaas waxaa si faahfaahsan noola wadaagi doonto wasaaradda caafimaadka,” ayuu markale yiri taliye Xijaar.

Weerarkaan oo noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ay kooxda Al-Shabaab ku gasho dhisme ku yaalla Muqdisho ayey sheegatay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil.