28 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Taliyihii dekadda wayn ee Muqdisho oo ‘is-casilay’ + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii Dekedda Muqdisho Gaashaanle Sare Axmed-khadar Maxamed Xasan ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii uu gacanta ku dhigay ilaa saddex shixnad oo maandooriye ah.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu diiday amar ka yimid Taliyaha Booliska Asad Diyaano oo la xiriiray sii daynta shixnaddaas, isagoo go’aankiisa ku saleeyay ka hortegga maandooriyaha, gaar ahaan Xashiishka oo halis ku ah mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, is-casilaaddiisa ayaa loo arkaa mid muujinaysa daacadnimo, masuuliyad iyo la dagaallanka maandooriyaha.

Dhinaca kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay is-casilaadda Axmed-khadar ayaa ku bogaadiyay go’aanka uu ku diiday inuu sharci darro qayb ka noqdo.

“G/sare Axmedkhadar Maxamed Xassan daacadnimadii, shaqo wanaagii iyo Alle ka cabsigii lagu wada yaqiinay ayuu ka markhaati kacay, waana ku ammaanan yahay inuu iska casilay xilkii Taliyaha Police Dekadda Muqdisho, iskana diiday inuu sharcidarro qayb ka noqdo” ayuu yiri Taabid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Colonel Axmedkhadar waa sarkaal ciidanka qaranka Soomaaliyeed ugu soo shaqaayay marxaladdo kala duwan, markastana ku suntanaa illaalinta sharciga iyo Alle ka cabsi”.

Taabid oo hadda kamid ah xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda ayaa ugu dambeyn ku baaqay in baaris deg-deg ah lagu sameeyo kiiska Taliyihii Dekadda Muqdisho oo shaqada ka tegay, isaga oo xilka hayay maalmo kooban oo qura.

“Amniga shacabka iyo badbaadada mustaqbalka dhallinyarada soomaaliyeed ayaa wax walba ka wayn waxaana ugu baaqayaa in dowladda ay arrinkan baaritaan rasmi ah ku samaysaa.#BAARITAAN_RASMI_HAA
#MAANDOORIYE_KALKAAL_MAYA” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News