Tallaabada beesha caalamka ay qaadeyso ee la xiriirrta loolanka Farmaajo iyo Rooble

Washington (Caasimada Online) – Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo ah aqoonyahan, Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeyso madaxda dalka iyo sidoo kale doorka beesha caalamka ee ku aadan khilaafkooda.

Culusow ayaa wareysi uu siiyey VOA-da uga hadlay suurtagalninad culeys ka imaan kara beesha caalamka oo haatan si dhow ula socoto khilaaf u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda dowladda?

Dr Culusow ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamku leeyihiin awood ay wax ku yiraahdaan, si cadaadis xoogan loo saaro madaxda Soomaaliyeed ee is khilaafsan.

Aqoonyahankan ayaa sidoo kale xusay in beesha caalamku ay tix-gelineyso dareenka madaxda Soomaaliyeed iyo garashooda, si ay iyagu xal wada gaaraan.

“Waa leeyihiin inay awood wax ku yiraahdaan, laakin runtii illaa iyo hadda la xeyrinayaa in la tix-geliyo iyaga dareenkooda iyo garashadooda,”ayuu wareysigan ku yiri Dr Culusow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tiirsan tahay kaalmada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho dalalka beesha caalamka.

“Soomaaliya maanta waxay ku tiirsan-tahay kaalmada taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dowladaha maanta gacanta siiya Soomaaliya, sida Yurub, Mareykanka iyo dalal kale,” ayuu markale ku yiri wareysigaan Dr Maxamuud Culusow siiyey Idaacadda VOA-da.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shirka maamul goboleedyada ee ka dhacaya Garoowe, wuxuuna sheegay in isna cadaadis lagu saari karo madaxda dalka inay kala saaraan doorashooyinka iyo kiiska la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo cadaalad u baahan.

“Madaxda dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kaleba waxa ay kaalin weyn ku leeyihiin in ay culeys saaraan madaxda is khilaafsan si ay heshiis uga gaaraan, in la kala saaro arrimaha doorashooyinka & Kiiska Ikraan Tahliil oo u baahan Cadaalad,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha.