Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa garab istaag weyn u muujisay SSC-Khaatumo, oo dhawaan ay Dowladda Federaalka u aqoonsatay maamul ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.
Taageeradan ayay Roma ku xaqiijisay kulan maanta ka dhacay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku taallo safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya. Kulankan ayaa si gaar ah ugu dhex maray hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo safiirka Talyaaniga, Danjire Pier Mario Daccò Coppio.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa deegaannada maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.
Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dowlad ahaan ay garab taagan yihiin maamulka SSC-Khaatumo oo dhawaan la aqoonsaday, isla markaana ay door muuqda ka qaadan doonaan barnaamijyada horumarineed ee maamulkaasi.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kulammo kula lahaa madaxda dowladda iyo safiirrada caalamka.
14-ka April ee sanadkan 2025 ayey ahayd markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugu dhawaaqday aqoonsiga SSC-Khaatumo, taas oo ka dhigtay maamul jira oo ka mid ah maamullada Soomaaliyeed, iyadoo dowladdu meesha ka saartay in lagu muransan yahay deegaannada maamulkaasi.