Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay iney isku xermeen Muqdisho iyo Kismaayo, isla markaana wuxuu fariin cod dheer ah xambaarsan u diray shacabka Soomaaliyeed.
Tarxan ayaa hadalkan ka jeediyay xasho uu xalay maamulka Gbolka u sameeyay ergada ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.
“Muqdisho iyo Kismaayo wey isku xermeen, Muqdisho ma socon karto Kismaayo la`aanteed, Baydhabo iyo Hargeysana kadaalika. Gobol wax noqon karana ma jiro isagoo aan ku xirneyn gobolada kale” ayuu yiri Mudane Tarsan.
Tarsan wuxuu sheegay in Muqdisho la’aanteed aysan waxba noqon karin magaalooyinka kale maadaama buu yiri ay Hooyadii dalka tahay Muqdisho.
Dhanka kale waxaa munaasabada cashada ka hadlay Axmad Madoobe oo ka mahad celiyay munaasabada loo sameeyay ergada, isagoo sheegay in wax kasta ay diyaar u yihiin oo xal lagu gaari karo, isagoo sheegay iney diyaar u yihiin iney gogol nabadeed u fidiyaan beelaha Gobolada Bay iyo Bakool ee dhaliilsan shirka dib u heshiisiinta iyo maamulka hoggaamiyo.
Dhageyso Hadalka Tarsan iyo khudbadaha kale
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho