Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaciyay hishiis qarsoon oo dhexmaray Xasan Sheikh iyo Ugaaska beeshiisa.
Tarsan ayaa sheegay in kursiga xildhibaano loo diiday kadib markii ugaaska beeshiisa lacag badan uu ka qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
War qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in hishiiskaasi uu ahaa mid qarsoon, islamarkaana uu ku waayay xildhibaanimadiisii.
Wuxuu Tarsan ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu musuq maasuqay odayaasha dhaqanka, islamarkaana uu ka gudbay musuq maasuqa siyaasada dalka, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.
Siyaasiyiin badan ayaa sanadkaan waayay xubinadii baarlamaanka halka siyaaasiyiin badan oo ku xulufo ah Xasan Sheikh ay heleen codadka ugu badan ee xildhibaanada.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com