25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Talafishanada Soomaalida, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa weerar afka ah ku qaaday Talafishanada Soomaalida, wuxuu ku eedeeyay in habeen iyo maalin kasta laga aruuriyo lacago badan, kuwaasoo la sheego in lagu caawinaayo dad dhibaateesan oo Soomaali ah.

“Anniga waxaan in mudd ah Monitor gareeneyayay (oo aan baarayay) Talafishanada Soomaalida oo habeen iyo maalin kasta Sheekh la soo fadhiisinaayo kuwaasoo dadka ka aruurinaya lacago badan dadka Soomaalida ee qurbaha ku nool, lacagtas meel lageeyo ma aragno waana la aruuriyaa” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa Talafishada dadka leh iyo culimada u sheegay in loo baahan yahay gargaarka ay uruurinayaan xlliggan si loo siiyo dad badan oo ku wax yeelooban duufaano ku dhuftay Gobalada Barri iyo Nugaal iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Shabeellaha Dhexe.

Waa markii ugu horreysay oo Tarsan uu weerar ku qaado Talafishanada Soomaalida oo Sheekh uu soo fadhiisto kuwaasoo lacago ka aruuriya Soomaalida qurbaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News