25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa – Waddada Dimoqraaddiyadda | Waxaa qoray Al-Cadaala

By Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala.
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa la sii daayay tiradii ugu horreysay ee caasimadda Muqdisho isku diiwaangelisay inay codeeyaan in ka badan 50 sano ka dib.

Waa natiijada dadaal dheer oo jid adag loo soo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha dadweynaha oo ay ugu dambaysay inay codkooda ku go’aamiyaan madaxdooda 1969-kii.

In milyan deggan Muqdisho isku diiwaangeliyaan inay codkooda ku doortaan madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxay leedahay micno ka duwan wax kasta oo kale oo ka dhacay dalka.

Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushan, waxaan tilmaam yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamidda ee la soo maray si loo soo gaaro natiijada la soo bandhigay.

Shan tallaabo oo ay qaadday dawladdu si shaqadani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- Heshiiska siyaasadeed ee doorasho toos ah.

Isagoo xafiiska jooga wax ka yar bil ayuu bilaabay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inuu dowlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka doorasho ee uu farayo dastuurku kuna caddaa ballan-qaadkiisii siyaasadeed ee doorashada, si la mid ah musharrixiintii kale ee 2022. Toban shir oo uu u qabtay Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu waddada u xaaray in si siman ay is-diiwaangelintu uga bilaabato inta badan dalka; waa tallaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto.

2- Dhammaystirka sharciyada ay u baahanayd doorashada tooska ah.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgelinaysa siyaasadda madaxweynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marsisay dhammaan jaran-jarada sharci ee ay ku ansaxaan sharciyadu, dabcan iyadoo ka faa’iidaysanaysa heshiiska siyaasiga ah. Taas ayaa sabab u noqotay in la galo doorasho toos ah oo leh sal sharci oo dhammaystiran kuna qotonta dastuurka.

3- Dhismaha hay’adaha fulinaya doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisi lahaa hay’adihii hirgelin lahaa doorashada tooska ah ee sharcigu jideeyay, si waafaqsan sharciga iyo heshiisyada siyaasadda. Juhti iyo dadaal adag ka dib, markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay guddi yo haysta awood sharci oo dhammaystiran, waana kuwa ugu dambayn galabta soo bandhigay natiijadii is-diiwaangelintii ugu horreysay ee ay fuliyeen.

4- Sugista amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday dagaal adag oo dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha carqaladayn kara amniga doorashooyinka, kuwaas oo ay ugu weyn tahay khawaarijta, ku xigo hubka sharci-darrada ah, lagu daray tuugada iyo dambiilayaasha abaabulan. Juhtigaas ayaa keenay in milyan qof ay si nabadgelyo ah safaf ugu galaan dhammaan degmooyinka caasimadda muddo ku dhow shan bil, oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo amni-darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha agab ee doorashada.

Si loo fuliyo shaqada doorashada oo ay is-diiwaangelintu ugu horreyso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhammaan baahida: qalab, xafiis, shaqaale, gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah, taas oo u baahnayd dhaqaale aad u badan. Nasiib wanaag, dawladdu iyadoo isku tashanaysa waxa ay Guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshey dhammaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tashiilaadka, taas oo keentay inay si guul leh u gaaraan natiijada galabta ay soo bandhigeen.

Isku-geynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay qormadan, waxay run u bedeleen riyo soo taagnayd tan iyo dowladdii Carta lagu soo dhisay, oo waajibka dhammaan dowladihii kala dambeeyay ay ahayd inay halkaas dalka soo gaarsiiyaan, balse nasiibka iyo dadaalku ku caawiyay madaxda qaranka ee maanta inay waddada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal ballaaran dan qof iyo koox; waa tallaabo inoo dhawaynaysa dawladd sharciyad ka haysata dadkeeda; waa xaalad ka jawaabaysa himilada ubadkeenna. Sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa saddex fariin.

1- Mas’uuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aysan maanta idinka farxin barri ayay idinka farxin doontaa. Waad ogtihiin inay tahay jid lagu qasban yahay; nin unbaana marin lahaa jidkaan adag. Haddii madaxda maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya inaad noqon kartaan kuwa miraha gurta.

2- Shacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo daweynaysa xanuunka qaran-jab ka ee dhammaanteen aan la taahaynay mudada dheer. Adigoo aan ku eegin aragti qof, koox, qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag mustaqbalkaaga iyo kan ubadkaaga oo gacantaada soo galaya; sidaas awgeed, wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa; shaki malaha in cilado jiri karaan; shaki malaha in aanay naga wada farxin doonin; balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah inaanu jirin khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badallanno. Waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha, insha Allaah.

Maqaalkan waxaa qoray Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala.

- Advertisement -

Read more

Local News