Tirada dadka ay DF Somalia u karantiishay CUDURKA Coronavirus oo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degay afar muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida weyn ugu faafay cudurka Coronavirus.

Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen askar leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxaana ay saarnaayeen diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

Xubno ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay, waxaana lagu warramay in afartan qof la karantiiley.

Muwaadiniintan ayaa lagu hayn doonaa xarun ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka muddo 14 maalmood, waxaana ay mari doonaan baaritaan caafimaad, markaasi oo kadib lasii dayn doono marka laga waayo Coronavirus. Horey waxaa loo hayey afar qof oo kale.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday inay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helo Soomaaliya, ayada oo laga helay qof ka yimid dalka dibeddiisa.

Qofkaasi ayaa muddo lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ka hor inta aan la xaqiijin in laga helay cudurka.

Si kastaba, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkaas ayaan laga war-hayn xaaladooda, waxaana jirta cabsi ah in laga yaabo in qaarkood uu qaadsiiyey ka hor inta aan baaritaankiisa oo dibedda loo qaaday lasoo celin.

Si kale, dadka diyaaradda la saarnaa dadkii maanta la karantiilay ayaa iyagana gudaha u galay magaalada Muqdisho.

Si looga hortago arrimahan oo kale, islamarkaana loo yareeyo halista cudurka ayaa dowladda Soomaaliya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ka imanaya dalka dibeddiisa.