25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Tirada xildhibaanada cusub ee gudbiyey mooshinka oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horay u sheegnay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia ayaa Guddoonka BFS ee KMG ah hordhigay Mooshin ka dhan ah is hortaaga 5-xubnood oo doorashadooda horey loo laalay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo kamid ah Xildhibaanada gudbisay Mooshinka ayaa sheegay inay ka digayaan faragalin lagu sameeyo howlaha Baarlamaanka waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in la aqbalo soo jeedinta Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaan Ibraahim, waxa uu tilmaamay in Mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ay ku dalbanayaan in dib looga laabto Xubnaha 5-ta ah ee la laalay.

”Waa in la tixgaliyaa soo jeedinta Xildhibaanada waxaa dalbaneynaa in arrimaha 5-ta ah ee la laalay loo deeyo Xildhibaanada si ay go’aan uga gaaran”

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanno gaaraya 67 xildhibaan ay ku gudbiyeen mooshinka waxa uuna rajo ka muujiyay aqbalaada mooshinkaasi.

Waxa uu intaa raaciyay haddii la diido mooshinka inay wanaagsanaan laheyd in la fasaxo xubnahaasi si aan dadka leysaga horgeynin.

Docda kale, Guddoonka Baarlamaanka ee KMG ah ayaan wali ka jawaab celin mooshinka waxa ayna u muuqaneysaa in mooshinkaasi la dib dhigi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News