25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Tirada xoolaha ay Soomaaliya dhoofisay 2015-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay Khamiistii soo saartay FOA waxaa ay sheegtay in Soomaaliya dhoofisay xoolo ilaa 5.3 Millione taas oo kor u qaaday 6%

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Xoolaha la dhiifiyay ay ahaayeen 4.9 oo Adhi ah, 295,000 oo Lo’a ah iyo 72,000 oo Geel ah.

FOA waxaa ay sheegtay in dhoofinta xoolaha ee waddamada Carabta loo dhoofiyay ay kor u qaaday dhaqaalaha dalka 6%, waxaa laga helay ilaa 384 Millione oo Dollar oo si toos ah u gashay jeebka xoolo dhaqatada Soomaalida.

Sanadkii tagay 2600 oo Geel ah ayaa loo dhoofiyay dalka Masar, arrintan oo dhacday markii ugu horeysay kadib dagaalladii sokeeye.

Sacuudiga waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ka qaataan xoolo lagu qalo Xajka ee loo yaqaano Audhxiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News