25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Toogasho ka dhacday meel aad ugu dhow Aqalka Cad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) ayaa Arbacadii dhaawacyo culus kasoo gaareen toogasho ka dhacday meel aan ka fogeyn Aqalka Cad, taas oo saraakiishu ku tilmaameen “weerar gaadmo ah oo si gaar ah loo qorsheeyey.”

Eedeysanihii falka geystay ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ay haleeleen rasaas ay ciidamadu ugu jawaabeen weerarka. 

Xilliga uu weerarku dhacayey, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku sugnaa gobolka Florida. Dhacdadan ayaa sababtay in Aqalka Cad la geliyo xaalad heegan degdeg ah oo albaabada loo laabay, iyadoo ay goobta soo dhoobteen ciidamo isugu jira kuwa federaalka iyo booliska magaalada oo aad u hubeysan.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska Magaalada, Jeff Carroll, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askarta la beegsaday ay ku guda jireen howlgal roondo ah abbaare 2:15 duhurnimo (xilliga Washington) agagaarka isgoyska waddooyinka 17-aad iyo I, oo dhowr tallaabo u jira Aqalka Cad. Wuxuu intaas ku daray in eedeysanuhu uu si lama filaan ah ugu soo baxay askarta, kadibna uu si gaadmo ah rasaas ugu furay.

“Kadib is-rasaaseyn dhexmartay labada dhinac, xubno kale oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ayaa ku guuleystay inay ninkaas ka awood roonaadaan oo ay qabtaan,” ayuu yiri Carroll. Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa xaqiijiyey in labada askari ee dhaawacmay loola cararay isbitaallada maxalliga ah, xaaladdooduna ay tahay mid halis ah.

Duqa Magaalada Washington, Muriel Bowser, oo goobta ka hadashay ayaa tiri: “Kani wuxuu ahaa weerar qorsheysan oo si gaar ah loola dan lahaa.”

Barasaabka Gobolka West Virginia, Patrick Morrisey, ayaa markii hore qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in labada askari ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Ilaalada Qaranka ee gobolkiisa, uuna helay war sheegaya inay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray. Hase yeeshee, wuxuu goor dambe soo saaray qoraal labaad oo uu ku sheegayo in xaaladdooda ay ku hareereysan yihiin “warar is-khilaafsan,” isagoo ka noqday xaqiijintii dhimashada.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya toogashadan, balse saraakiisha ayaa rumeysan in ninka hubeysan uu ahaa shakhsi keli socod ah. Magacyada eedeysanaha iyo askarta la dhaawacay midna weli lama shaacin.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Trump uu fasaxa Maalinta Mahadnaqa (Thanksgiving) u joogo deegaankiisa Palm Beach, halka Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu ku sugan yahay gobolka Kentucky.

Qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay ayuu Trump ninka weerarka geystay ku tilmaamay “bahal” wuxuuna wacad ku maray inuu “bixin doono qiimo aad u culus,” isagoo dhanka kale ammaan u jeediyey Ciidanka Ilaalada Qaranka.

Goobjoogayaal ka warramay xaalad jahawareer ah

Toogashadan ayaa ka dhacday agagaarka Farragut Square, oo ah goob caan ah oo ay shaqaalaha xafiisyada magaalada u tagaan qadada, taas oo dhowr baloog oo qura u jirta Aqalka Cad. Beertan, oo tiirarkeeda nalalka lagu sharraxay ubaxyo iyo calaamadaha ciidda masiixiga, waxaa ku hareereysan maqaayado iyo goobo qaxwada laga cabo, waxaana u dhow laba xarun oo tareenka dhulka hoostiisa mara laga raaco.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay goobta mid ay hareeyeen fowdo iyo kala carar markii rasaastu billaabatay, iyadoo dadkii lugaynayey ay naf la caari u kala firxadeen.

Mike Ryan, oo 55 jir ah, ayaa sheegay inuu u socday inuu soo qadeeyo markii uu maqlay dhawaqa rasaas xooggan. Wuxuu sheegay inuu cararay masaafo yar kadibna uu maqlay rasaas kale oo xigta.

Markii uu dib ugu soo laabtay goobta, wuxuu arkay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka oo yaalla dhanka kale ee wadada, iyadoo dadku ay isku dayayeen inay midkood nafta ku hayaan. Isla waqtigaas, xubno kale oo ciidanka ah ayaa dhulka ku hayey qof kale, sida uu Ryan sheegay.

Emma McDonald, oo iyaduna goobjoog ahayd, ayaa sheegtay inay aragtay mid kamid ah askarta oo daqiiqado kadib weerarka lagu qaadayo bareelo, iyadoo madaxiisa uu dhiig qariyey, xabadkiisana lagu xiray qalab neefsashada caawiya.

Ciidanka Ilaalada Qaranka ayaa ku sugnaa Washington tan iyo bishii August, xilligaas oo Trump uu waddooyinka soo dhoobay, qayb ka mid ah tallaabooyinkiisa adag ee uu ku wajahayo socdaalka sharci-darrada ah iyo dembiyada, waana tallaabo uu si gaar ah ugu beegsanayo magaalooyinka ay maamulaan Dimoqraadiga.

Ilaa Arbacadii, waxaa magaalada Washington ku sugnaa qiyaastii 2,200 oo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, kuwaas oo ka kala yimid Degmada Columbia (DC) iyo gobollada Louisiana, Mississippi, Ohio, South Carolina, West Virginia, Georgia, iyo Alabama.

Trump, oo Jamhuuri ah, ayaa marar badan ku dooday in joogitaanka ciidamadan ay sababtay in dembiyadii caasimadda ay gebi ahaanba suuleen, inkastoo tallaabadan ay si weyn u dhaleeceeyeen saraakiisha maxalliga ah iyo xisbiga Dimuqraadiga.

Xoghayaha Gaashaandhigga, Pete Hegseth, ayaa warfidiyeenka u sheegay in Trump uu dalbaday in 500 oo askari oo dheeraad ah la keeno Washington si ay gacan uga geystaan sugidda amniga kadib toogashadan dhacday.

- Advertisement -

Read more

Local News