Vienna (Caasimada Online) – Weerar lagu qaaday dugsi ku yaalla koonfur-bari dalka Austria, kaas oo la sheegay inuu geystay arday hore uga tirsanaa isla dugsigaas, ayaa sababay dhimashada dhowr qof, sida ay boolisku sheegeen Talaadada maanta ah.
Weerarkan ayaa ah dhacdo naadir ah oo ka mid noqotay falalka rabshadaha hubeysan ee dhimashada sababa ee ka dhaca iskuullada Yurub.
Ciidamada booliska oo hub culus wata, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray iskuulka magaalada Graz, halkaas oo 10 qof ku dhinteen, oo uu ka mid yahay ninka weerarka fuliyay, halka “dad kale oo dhowr ahna ay qabaan dhaawacyo culus,” sida lagu sheegay qoraal boolisku soo dhigeen barta bulshada ee X.
“Weli waxaa socda aqoonsiga dadka ay waxyeelladu soo gaartay,” ayay boolisku intaa ku dareen, iyagoo sheegay in xaaladda hadda “la sugay ammaankeeda,” isla markaana la caawinayo dadka ay dhibaatadu saamaysay.
Duqa magaalada Graz, Elke Kahr, ayaa wakaaladda wararka ee Austria APA u sheegtay in dadka dhintay ay ka mid yihiin dhowr arday iyo qof weyn oo keli ah.
Boolisku waxay sheegeen in qofka weerarka fuliyey uu kaligii ahaa, sababta uu weerarka u fuliyayna aan weli la ogaanin.
Warbaahinta Austria ayaa ku warrantay in tuhmanaha loo malaynayo inuu yahay nin 22 jir ah oo hore uga tirsanaa ardayda iskuulka, kaas oo isagana isla goobta ku dilay naftiisa.
Mas’uuliyiinta booliska iyo saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaan isla markiiba laga helin wax jawaab ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.
“Xaaladda hadda jirta waa mid aan weli si cad loo ogayn,” sida ay wakaaladda APA u sheegeen ilo boolis ah.
Ra’iisul Wasaaraha Austria, Christian Stocker iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gerhard Karner, ayaa lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan saacadda 3:00 galabnimo (1300 GMT).
“Waa musiibo aad u xun. Arrintan waxay taabanaysaa carruur,” ayuu yiri Hasan Darsel, milkiile makhaayad ku taalla meel u dhow goobta weerarka ka dhacay, isagoo la hadlayay wargeyska Kronen Zeitung.
‘Aad baan uga naxay’ –
Dhinaca kale, tacsi ayaa ka soo burqatay guud ahaan Yurub.
Kaja Kallas, oo ah sarkaalka ugu sarreeya arrimaha diblomaasiyadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay inay “aad uga naxday” weerarka dhacay Talaadada.
“Carruur kasta waa inay iskuulka ku dareemaan ammaan, oo wax ku bartaan iyagoo aan cabsi qabin, kana nabad qaba rabshadaha,” ayay Kallas ku qortay barteeda X. “Waxaan la jirnaa dhibbanayaasha, qoysaskooda iyo shacabka Austria xilligan adag.”
Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa iyaduna tiri, “Wararka laga helayo Graz qalbigayga ayay si gaar ah iigu taabteen.”
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa iyaduna tacsi u dirtay qoysaska dhibbanayaasha weerarkan murugada leh.
Weerarada hubeysan ee goobaha dadweynaha ayaa aad ugu yar dalka Austria, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 9.2 milyan oo qof, isla markaana ka mid ah tobanka waddan ee ugu ammaanka badan dunida, sida lagu sheegay warbixinta Global Peace Index.
Sidoo kale, weerarada noocaan ah ee ka dhaca iskuulada ayaa Yurub aad ugu yar marka la barbar dhigo Maraykanka. Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay Yurub waxaa ruxay weerarro dhimasho keenay oo ka dhacay iskuullo iyo jaamacado kala duwan, kuwaas oo aan lahayn xiriir argagixiso.
Talaadada isla maanta ahayd, nin ayaa mindi ku dilay kaaliye macallin iskuul ku yaalla magaalada Nogent oo ku taal bariga Faransiiska.
Janaayo 2025, nin 18 jir ah ayaa mindi ku dilay arday iyo macallin iskuul sare oo ku yaalla waqooyi-bari dalka Slovakia.
December 2024, nin 19 jir ah ayaa mindi ku dilay arday 7 jir ah, isagoo dhaawacay dhowr qof oo kale iskuul hoose oo ku yaalla Zagreb, Croatia.
December 2023, weerar arday ka geystay jaamacad ku taalla bartamaha magaalada Prague ayaa lagu dilay 14 qof, halka ay dhaawacmeen 25 qof oo kale.
Dhowr bilood kahor isla sannadkaas, wiil 13 jir ah ayaa toogtay oo dilay siddeed arday iyo waardiye iskuul hoose oo ku yaalla bartamaha magaalada Belgrade. Weerarkaas waxaa sidoo kale dhaawacyo ku soo gaareen lix carruur ah iyo macallin kale. Wiilka weerarka geystay ayaa isaga oo booliska la hadlay isla goobta lagu xiray.
Sanadkii 2009, sagaal arday ah, saddex macallin iyo saddex qof oo waddada marayay ayaa lagu dilay weerar ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Winnenden ee koonfurta dalka Jarmalka. Falkaas waxaa geystay arday hore uga tirsanaa iskuulka, kaas oo isna ugu dambayn is dilay.