Toos: Xafladda caleema saarka Madaxweynaha oo ka socota Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda caleema Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka bilaabatay teendhada Afiysoone oo ku taalla xerada Xalane ee Muqdisho, taas oo si heer sare loo soo agaasimay.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya oo madasha wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jira kuwo xulafo la ahaa dowladdii Farmaajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa astaan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis ah la ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.