Addis Ababa (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha amniga ee Tigray ayaa sheegay in dowladda federaalka Itoobiya ay duqayn diyaaradeed ku qaadday deegaanka ay maamulaan.
Sarkaalkan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in weerarku ka dhacay meel ku dhow xadka u dhexeeya gobollada Tigray iyo Canfarta.
Sarkaalka Tigray ayaa sheegay in duqayntu ay sababtay dhaawacyo fudud iyo khasaare hantiyeed, isagoo tilmaamay in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Milkaa, oo ku dhow xadka Canfarta.
Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay jebisay Heshiiskii Nabadda ee Pretoria, kaddib markii ay duqayntan fulisay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta la duqeeyay ay ku dhowdahay aag ay maamulka Canfartu hore ugu sheegeen in ciidammada Tigray ay weerarro ka gaysteen.
Tani waa xogtii ugu horreysay ee laga soo sheego iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Tigray tan iyo markii dagaalkii hore lagu soo afjaray heshiiska Pretoria.
Heshiiskaas ayaa lagu sheegay in uu soo afjaray dagaal labo sano socday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Si kastaba, labada dhinac dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa weli midba midka kale ku eedeeya inuu jebiyay heshiiskaas.
Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya oo ku saabsan dhacdadan. Sidoo kale ma jirto caddeyn madax-bannaan oo lagu xaqiijin karo weerarka.
Weerarkan ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Canfarta uu hore ugu eedeeyay ciidammada Tigray inay gudaha u soo galeen gobolkaas oo ay fuliyeen weerarro sababay khasaare baaxad leh.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Canfarta ayaa lagu sheegay in dad rayid ah ay barakaceen, halka maamulka Tigray uu gebi ahaanba beeniyay eedeymahaas.
Toddobaadkii hore, warbixinno ayaa tilmaamay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameeyeen kooxo lagu magacaabo “Haaraa Mareet,” kuwaas oo lagu arkay magaalooyinka Magaale iyo Tonsaar.
Horey, ururka TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Itoobiya inay halkii ay khilaafaadka ku xallin lahayd wada-hadal siyaasadeed, ay ka dooratay in ay taageero iyo tababar siiso kooxo hubeysan oo ka howl-gala gudaha gobollada Canfarta iyo galbeedka Tigray.
Dhanka kale, Brigadier General Gebregziabher Bayyana, oo loo yaqaan Waddi Anxiru, kana mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Tigray ayaa sheegay inay hadda dhisayaan ciidan cusub.
Jeneraalka ayaa xaqiijiyay uu ku guda jiro dhismaha ciidan ka madax-bannaan ururka TPLF, isagoo tilmaamay inay doonayaan in ay gebi ahaanba ka madax-bannaanaadaan xisbigaas.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddadoodu aysan ahayn inay dhisaan ciidan xisbi ama dowlad cusub u taagan oo keliya, balse ay doonayaan in TPLF laga saaro saameynta ay ku leedahay ciidamada Tigray.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay qorsheynayaan in afar qaybood oo ciidan ah laga dhiso xuduudaha u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Tigray.

