25.5 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

TPLF oo digniin kasoo saartay dagaal ka qarxa Itoobiya kadib tallaabadii Abiy Ahmed

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Warka kasoo baxay TPLF ayaa waxaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka soo wajahda.

Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay “ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda.”

Waxaa kale oo ay TPLF sheegtay in ay daandaansi u aragto hadallada culus ee Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kasoo yeeraya kuwaas oo iyaga ka dhan ah, waxayna kooxdu sheegtay in aanay u cuntamin hadalladaas in ay qaadato ama aqbasho.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa.

Dagaalka salkiisu ahaa muranka doorashooyinkii Itoobiya ee billowday 20kii Nofeembar 2022 ayaa galaaftay nolosha dad u dhaxeeya 300 oo kun ilaa 600 oo kun, dhaawaca tiro intaas ka badan, waxaa intaas dheer barakaca oo dadka qaar ka gudbeen xuduudda.

- Advertisement -

Read more

Local News