Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii saxiixay wareegto cusub oo uu ku ballaarinayo liiska dalalka ay muwaadiniintoodu wajahaan mamnuucista dhanka safarka ah ee Mareykanka. Go’aankan ayaa liiska mamnuucista ku daray toddoba dal oo horleh, oo ay ka mid tahay Suuriya, kuwaas oo gebi ahaanba laga joojiyay inay soo galaan gudaha Mareykanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in ujeedka wareegtadan uu yahay “xoojinta iyo adkeynta xaddidaadaha saaran dadka ka imaanaya dalalka leh daldaloolo muuqda oo dhanka amniga ah, isla markaana ku guuldareystay inay la yimaadaan hannaanka baarista iyo wadaagista xogta ee lagama maarmaanka u ah badqabka amniga qaranka Mareykanka.”
Tallaabadan cusub ayaa si toos ah u saameyneysa muwaadiniinta u dhashay dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, Koonfur Suudaan, Suuriya, iyo shaqsiyaadka haysta dokumeentiyada safarka ee Maamulka Falastiin.
Sidoo kale, amarkan wuxuu mamnuucis buuxda kusoo rogay dalalka Laos iyo Sierra Leone, kuwaas oo horey u saarnaa xaddidaad qayb ah balse hadda wixii ka dambeeya wajahaya xayiraad dhammaystiran. Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in amarkan uu dhaqangeli doono laga billaabo 1-da bisha Janaayo.
Xiriirka Suuriya iyo isbeddelka Trump
Go’aankan ayaa imaanaya xilli uu jiro is-khilaaf siyaasadeed oo muuqda. Trump ayaa horey ugu celceliyay inuu garab istaagi doono Madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharca—hoggaamiyihii hore ee fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar Al-Asad—balse hadda u muuqda inuu wajahayo cadaadis kaga imaanaya Washington.
Sharca, oo horey Mareykanku ugu calaamadeeyay argagixiso, ayaa sannadkan soo bandhigay isbeddel weyn, isagoo isku dayaya inuu dunida tuso inuu yahay hoggaamiye dhex-dhexaad ah oo doonaya inuu mideeyo dalkiisa dagaalladu aafeeyeen.
Hase yeeshee, qoraal uu Trump Sabtidii soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku goodiyay “aargoosi culus” kaddib markii weerar ka dhacay Suuriya lagu dilay laba askari oo Mareykan ah iyo tarjumaan rayid ah.
Weerarkaas, oo lala beegsaday kolonyo ciidan, waxaa sheegtay kooxda Daacish. Aqalka Cad ayaa cuskaday in Suuriya ay weli tahay dal kasoo kabanaya dagaal sokeeye, ayna ka maqan tahay hay’ad dhexe oo awood u leh bixinta baasaboorro la isku hallayn karo iyo hannaanka baarista dadka dhoofaya.
Nigeria iyo xaddidaadaha kale
Dhinaca kale, Trump wuxuu xaddidaad dhanka socdaalka ah kusoo rogay 15 dal oo kale, oo ay ku jirto Nigeria. Dalkan ayaa si gaar ah isha ugu haya maamulka Trump, kaddib markii madaxweynuhu uu horraantii bishii Nofembar ku hanjabay tallaabo milatari oo ka dhan ah Nigeria, isagoo daliishanaya in la dhibaateeyo dadka Masiixiyiinta ah.
Dowladda Nigeria ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaamtay kuwo aan ka turjumeynin xaqiiqada dhabta ah ee amniga dalkaasi.
Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay adkeynta socdaalka iyo xuduudaha, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, isla markaana xoojiyay diidmada magangalyo-doonka ee xuduudda Mexico.
Ballaarinta liiskan ayaa loo arkaa tallaabo sii hurineysa tallaabooyinka socdaalka ee maamulka Trump, gaar ahaan kaddib toogashadii bishii hore ka dhacday Washington D.C. ee lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard).
Baarayaasha ayaa sheegay in toogashadaas uu fuliyay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka ku galay barnaamijka dib-u-dejinta sannadkii 2021—barnaamijkaas oo maamulka Trump ay ku tilmaameen mid aan lahayn baaris ku filan.
Maalmo kaddib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “kumeel-gaar ah u hakiyo” socdaalka ka imaanaya dhammaan “Dalalka Dunia Saddexaad” (Third World Countries), inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin dalalkaas ama uusan qeixin waxa uu ula jeedo erey-bixintaas.

