27.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Trump oo dalbaday in Ilhaan Cumar ay ka tagto Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii weerar ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar (D-Minn.), isagoo ku dhaliilay asalkeeda Soomaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay inay dalka ka tagto,, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku celiyay weerar la mid ah kii uu dhowr jeer adeegsaday intii uu xilka hayay.

“Waa inay ku laabataa!” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social, isagoo soo raaciyay muuqaal ay Ilhaan kula hadlaysay dadweyne. Si degdeg ah looma ogaan goorta ay munaasabaddaasi ahayd, balse muuqaalka Ilhaan oo hadlaysa ayaa ku faafayay baraha bulshada ee u janjeera dhanka midigta ugu yaraan laba toddobaad.

Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxay dalka kaga carartay dagaal sokeeye iyadoo 8 jir ah, waxayna timid Mareykanka sanadkii 1995-kii ka dib markii ay afar sano ku qaadatay xero qaxooti oo ku taalla Kenya. Waxay dhalashada Maraykanka qaadatay sanadkii 2000.

Xulafada Trump ee MAGA, oo ay ku jirto Laura Loomer, ayaa degdeg u sii faafiyay qoraalkiisa iyagoo isticmaalaya barahooda bulshada.

Kuma eka markii ugu horreysay toddobaadyadii la soo dhaafay ee madaxweynuhu soo jeediyo in Ilhaan dalka laga saaro.

“Ma ogtihiin inaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, ma ogtihiin taasi?” ayuu weriyeyaasha kula hadlay Xafiiska Oval bishii September. “Oo waxaan u soo jeediyay in laga yaabo inuu dib u celiyo. Wuxuu yiri ‘Ma rabo iyada.'”

Trump ayaa sidoo kale dhowr jeer si gaar ah u weeraray Ilhaan intii lagu jiray muddo xileedkiisii hore, isagoo mar ku eedeeyay “inay noo sheegayso sida dalkeenna loo maamulo” bilihii ugu dambeeyay ee ololihii 2020.

Xafiiskeedu kama uusan soo jawaabin codsi falcelin ah oo loo diray.

Balse xildhibaannadda afarta jeer la soo doortay ayaa Jimcihii u sheegtay idaacad inaysan ka walaacsanayn hadallada ku saabsan xaaladdeeda socdaal.

“Wax walaac ah igama hayo, ma garanayo sida ay dhalashada igala noqon karaan oo ay ii masaafurin karaan,” ayay ka tiri barnaamijka The Dean Obeidallah Show.

“Laakiin xitaa ma garanayo sababta ay taasi u tahay hanjabaad cabsi leh. Ma ihi tii 8 jirka ahayd ee dagaalka ka soo carartay. Waan weynahay, carruurteyduna way weyn yihiin. Meel kasta oo aan rabo waan ku noolaan karaa haddii aan doonayo. Waa wax lala yaabo in maalin kasta la soo tooso iyadoo sheekadaas lagu soo darayo wadahadal kasta, ‘Waan masaafurinaynaa Ilhaan.'”

- Advertisement -

Read more

Local News