Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay jariiradda The New York Times in uusan diyaar u aheyn in uu aqoonsado Somaliland, kadib markii Israa’iil ay shalay ku dhawaaqday in Maamulka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya uu yahay dal ay u aqoonsadeen si buuxda.
Dhanka kale wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee times of israel ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay inuusan raaci doonin go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, balse uu “daraasayn doono” arrintaas.
“Ma jiraa qof si dhab ah u og waxa Somaliland tahay?” ayuu Trump ku yiri wargeyska caanka ah ee New York Post.
Tallaabada Israa’|l waxaa dhanka kale ka horymid Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Midowga Afrika, Turkiga, Shiinaha iyo waddamo badan.
Dowladda Soomaaliya oo qudheeda aan aqoonsaneyn Israa’iil ayaa xalay tallabadaasi ka hortimid,.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.
Si kastaba, ha’ahaatee warka kasoo baxay Trump ayaa hoos u dhigaya culeyskii aqoonsigii shalay la siiyay Somaliland iyo saameyntii suuragalka aheyd in uu ku yeesho amniga Gobolka Geeska, sida ay ku doodeen dowladaha iyo ururrada diiday aqoonsiga oo ku micneeyay mid liddi ku ah qaanuunka caalamiga ah & xeerarka diblumaasiyadda.

