28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Trump oo Israel ka dalbaday inay horstaagto qorshe ay Ilhan Cumar damacsan tahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dagaal siyaasadeed kula jira Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka ayaa Israel ka dalbaday inaan la ogolaan qorshe ay damacsan yihiin Ilhaan Cumar iyo gabadha kale ee ka tirsan congress-ka ee Rashida Taib.

Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu in uusan qaabilin Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib oo qorsheynaya inay bishan booqasho ku tagaan magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Ilhaan iyo Rashida labaduba ay ka mid yihiin cadowga Israel, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey in had iyo jeer ay ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel.

Ugu dambeyn Trump ayaa kula taliyey Netanyahu in labadaani xildhibaan laga mamnuuco guud ahaan dhulka Israel.

Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo labadan gabdhood oo isku dhinac ah ayaa soo shaac baxay wixii ka dambeeyey doorashadii Mareykanka ee 2016-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News