24.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay tirada qaxootiga dalkiisu qaadanayo 2026

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo caan ku ah siyaasaddiisa ka dhanka ah soogalootiga ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu sanadka soo socda aqbali doonto 7,500 qaxooti ah.

Qaxootigan ayuu sheegay inay kasoo jeedaan Koonfur Afrika, kuwaas oo badankoodu yihiin dadka aan madowga ahayn. Trump ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan yar loo oggolaan doono inay degaan gudaha Mareykanka.

Trump ayaa weli kusii adkeysanaya xayiraaddii uu hore ugu soo rogay dadka doonaya inay dalkiisa qaxooti ahaan ku galaan.

Warqad Madaxweyne oo la daabacay Khamiistii ayaa lagu caddeeyay in siyaasadda diidmada soogalootiga aysan wax isbeddel ah ku imaan, marka laga reebo kooxdan gaar ah ee la oggolaanayo.

“Dadka la aqbalayo waa 7,500 qof oo laga soo xulanayo Koonfur Afrika, kuwaas oo ah dadka cadaanka ah iyo dhibbanayaasha kale ee lagu takooro dalkooda, sida uu dhigayo amarka fulinta ee lambarkiisu yahay 14204,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee uu soo saaray Trump.

Tani ayaa noqonaysa tiradii ugu yartay ee Mareykanku qaxooti ku soo dhoweyo tan iyo 1980-kii.

Go’aankan cusub ayaa sii hurinaya muranka u dhexeeya Washington iyo Pretoria, iyadoo Koonfur Afrika horey u cambaareysay siyaasadda Mareykanka ee lagu kala soocayo dadka iyadoo lagu saleynayo midabkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News