Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu Sacuudiga ka iibin doono diyaaradaha dagaalka ee F-35, tallaabadaas oo muujinaysa heshiis hub oo ballaaran oo lala galayo boqortooyada ka hor booqashada Dhaxal-suge Mohammed bin Salman uu ku tegayo Washington Talaadada maanta ah.
“Qorshahaygu waa sidaas. Waxay rabaan inay iibsadaan, waana xulufo muhiim ah,” ayuu yiri Trump Isniintii mar wax laga weydiiyay wararka la xiriira iibkan.
Wuxuuna sii raaciyay: “Waan ka iibin doonnaa F-35-ka.”
Labada dal ee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa horey ugu dhawaaqay heshiisyo difaac oo qiimahoodu gaarayo $142 bilyan xilligii Trump uu booqday boqortooyada bishii May. Xilligaas, Middle East Eye ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha F-35, oo ah kuwa casriga ah ee jiilka shanaad ee aan raadaarku qaban, ay qayb ka ahaayeen heshiiska la filayay. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa horraantii bishan werisay in iibka uu ka koobnaan karo illaa 48 diyaaradood oo ah nooca F-35.
Si uu heshiiskan u meelmariyo, Trump wuxuu wajahayaa caqabado iyo diidmo kaga imaanaya laba dhinac oo kala duwan.
Dhinaca hore, Israa’iil ayaa ka soo horjeedda iibka diyaaradaha F-35. Qaar ayaa rajanayay in iibka diyaaradaha dagaalka ee ugu casrisan Mareykanka loo adeegsan doono sidii dhiirrigelin lagu soo jiito Riyadh si ay xiriir diblomaasiyadeed ula sameysato Israa’iil.
Ka hor inta uusan Trump booqan boqortooyada bishii May, Sacuudiga ayaa ka sii gorgortamay qodobbada laga hadlayo si loo hubiyo in caadiyaynta xiriirka Israa’iil aanay ku jirin ajandaha.
Inkastoo xabbad-joojin jilicsan ay hadda ka jirto Gaza, iyo sheegashada Trump ee ah in Riyadh ay caadiyayn doonto xiriirka Israa’iil ka hor dhammaadka sanadka, haddana diblomaasiyiin reer Galbeed iyo Carab ah ayaa sheegay in Sacuudiga uu weli ka cago-jiidayo inuu dib ugu laabto wada-hadalladaas.
Noocee F-35 ah ayaa loo ogolaan doonaa Sacuudiga?
Mid ka mid ah guulaha laga gaaray booqashada dhaxal-sugaha ayaa ah awoodda boqortooyada ee ah inay heshiisyada laba-geesoodka ah ee Mareykanka ka madax-bannayso arrimaha Israa’iil, sida ay sheegeen khubaradu.
Richard Aboulafia, oo ah khabiir dhanka hawada sare ah oo ka tirsan shirkadda Aerodynamic Advisory, ayaa horay ugu sheegay Middle Eest Eye in haddii heshiisku hirgalo, aanay Sacuudigu heli doonin diyaaradaha illaa saddex ama afar sano laga soo bilaabo hadda, maadaama ay ka dambeyn doonaan dhowr waddan oo Yurub ah oo horey dalabkooda u gudbiyay.
Aboulafia wuxuu xusay in walwalka laga qabo in la ilaaliyo sareynta tayada ciidan ee Israa’iil ay ahayd arrin taagan mar kasta oo hub laga iibinayo Sacuudiga, balse taas laga gudbi karo.
Sagaashameeyadii, Mareykanka wuxuu boqortooyada ka iibiyay diyaaradaha dagaalka ee F-15S Strike Eagle oo leh raadaaro awooddoodu hooseyso iyo qalabka elektaroonigga ah ee difaaca oo tayo ahaan liita, taasoo qayb ahaan loogu talagalay in lagu qanciyo kooxaha u ololeeya Israa’iil.
“Israa’iiliyiintu xoogaa way walaacsan yihiin, laakiin badanaa, arrintaas waxaa lagu xaliyaa in Israa’iil la siiyo xuquuq farsamo oo ay ku horumariso qalabkeeda, taasoo aanay helin Saucuudiyu,” ayuu yiri Aboulafia.
Wuxuuna intaas ku daray: “F-35 sidoo kale, si ka duwan diyaaradaha kale, waxay aad ugu nugushahay in meel fog laga damiyo (kill switch),” isagoo ula jeeday in Mareykanka uu awood u leeyahay inuu hawada ka curyaamiyo diyaaradahaas haddii loo baahdo.
Trump ma iska indhatirayaa digniinaha Shiinaha?
Kooxda labaad ee uu Trump iska dhegatirayo ayaa laga yaabaa inay tahay mid xasaasiyad gaar ah leh. Saraakiil ka tirsan waaxda difaaca iyo sirdoonka Mareykanka ayaa ka soo horjeeda iibka, iyagoo ku doodaya in Shiinuhu uu heli karo teknoolajiyadda xasaasiga ah ee ku jirta diyaaradda dagaalka ee ugu casrisan Mareykanka.
Shiinaha ayaa ah dalka ugu badan ee iibsada shidaalka Sacuudiga.
Bishii Disembar 2021, wargeyska Wall Street Journal ayaa weriyay in Sacuudiga uu milatariga Shiinaha ka soo dhoofsaday teknoolajiyad gantaal oo xasaasi ah si uu u horumariyo samaynta gantaallada ballistic-ga ee gudaha. Shirkadda teknoolajiyadda Shiinaha ee Huawei ayaa sidoo kale si weyn ugu lug leh hirgelinta adeegga 5G iyo maalgashiga isgaarsiinta ee Sacuudiga.
Khubarada ayaa aaminsan in Mareykanka uu xadidi karo heerka teknoolajiyadda casriga ah ee lagu darayo iibka F-35 ee boqortooyada, laakiin Sacuudiga ayaa u badan inuu gorgortan adag ka galo arrintaas.
Xilli waddamada Galbeedka Yurub iyo xulafada Mareykanka ee Aasiya ay wajahayaan dhaqaale yari, Sacuudiga waa mid ka mid ah dhaqaalaha yar ee waaweyn ee caalamka ee haysta lacag caddaan ah oo diyaar ah, inkastoo miisaaniyaddoodu ay ciriiri gashay.
Mohammed bin Salman: Macmiil feejigan
Iyadoo Dhaxal-suge Mohammed bin Salman uu weli danaynayo inuu iibsado badeecadaha Mareykanka, khubarada ayaa sheegaya in boqortooyadu ay noqotay mid aad u feejigan, iyadoo dalbanaysa tayada ugu sarraysa ee lacagteeda ay ku heli karto.
Boqortooyada ayaa wadda qorshe isbeddel dhaqaale (Vision 2030) si ay u yareyso ku tiirsanaanta dakhliga shidaalka. Sacuudiga wuxuu doonayaa inuu dhiso waaxda dalxiiska, warshadaha macdanta muhiimka ah, iyo barnaamijka tamarta nukliyeerka ee rayidka. Hase yeeshee, qiimaha shidaalka oo hooseeya ayaa saameeyay miisaaniyadda, waxaana boqortooyada qasab ku noqotay inay dib u qiimeyso qaar ka mid ah himilooyinkeeda waaweyn.
Tusaale ahaan, Sacuudiga wuxuu sii waddaa inuu si weyn u dhinto baaxadda mashruuca The Line, oo ah magaalo dhererkeedu yahay 170km oo udub-dhexaad u ah mashruuca weyn ee mustaqbalka ee Neom.
Wax yar ka hor booqashada dhaxal-sugaha, sanduuqa maalgashiga ee Sacuudiga ayaa iska iibiyay saamiiga sagaal shirkadood oo ka diiwaan gashan Mareykanka, taasoo dardargelineysa isbeddel muujinaya inay yareyneyso saamiyada ay ku leedahay shirkadaha waaweyn ee Mareykanka.
Sida lagu sheegay natiijooyinka rubuca saddexaad, sanduuqa hantida ayaa iibiyay boqollaal kun oo saami oo ay leeyihiin shirkadaha Mareykanka ee suuqa ku jira, oo ay ku jiraan Cummins, Linde, iyo Avery Dimension. Iibkan ayaa imanaya ka dib markii boqortooyada ay horey u yareysay saamiyadii ay ku lahayd shirkadaha Meta, PayPal iyo FedEx.

