Trump oo saxiixay amar cusub oo ka dhan ah muslimiinta iyo hal dal oo laga reebay amarkii hore

Washington Dc (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo ku saabsan socdaalka, kaasi oo dalka Mareykanka u diidaya inay yimaadaan dadka kasoo jeeda lix dal.

Amarka cusub ee madaxweynaha ayaa waxaa shaaca ka qaaday xoghayaha arrimaha dibedda Rex Tillerson, kan cadaaladda Jeff Sessions iyo kan amniga gudaha John Kelly, kuwaas oo shir jaraa’id ku qabtay Washington DC.

Waxay sheegeen in amarkan uu muhiim u yahay in laga hortago in weeraro argagixiso ay ka dhacaan Mareykanka.

Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay in Mareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah, Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Amarka cusub muxuu kaga duwanyahay midkii hore?

Amarka cusub waxa uu kii hore kaga duwan yahay in laga reebay dalka Ciraq.

Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale lagu soo rogay xayiraad 90 maalmood ah.

Si kastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub uusan saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah (Visa).

Dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda ma saameyn doono amarkan cusub.

Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuucay120 maalmood,

Goormuu amarka cusub dhaqangalayaa?

Amarka cusub ayaa dhaqan gali doona 16-ka bishan Maarso.

Tabanka maaalmood ee hartay waxaa loogu talagalay digniin ahaan iyo in garoomada Mareykanka aysan buuxhdaafin ama aysan rabshado ka dhicin, si la mid ah bannaanbixii 27-kii january.

Amarkii hore markii uu soo baxayay qaar ka mid ah musaafuriinta haysta fiisaha waxay ku jireen hawada oo diyaarad ayey saarnaayeen, markii ay gaareen Mareykanka ayaana la xiray.

Xilligaasi, Mr Trump wuxuu difaacay in amarka la dhaqan geliyo ogeysiin la’aan.

Wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray “Haddii mamnuucidda la siiyo hal isbuuc oo digniin ah, dadka ‘xun’ waxay ku degdegi karaan isbuucaasi gudihiisa”.

Amarka cusub ee Trump sharciga malala tiigsan karaa?

Haa waa suuragal. inaan si degdeg ah loo dhaqangelin waxay caawin kartaa in sharciga lala tiigsado.

Garsoore federaal ah oo diidayay inuu amarkii hore dib uu u soo celiyo, wuxuu ku dooday in dowladda aysan muujinin cadeynta sababta amarka loo soo rogay.

Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in go’aanka uu xannibay awoodda shaqsiga uu ku safri karo.

Garsoorayaasha waxay sidookale ogaadeen in “qof ka mid ah qaxooti dalalka la magacaabay uusan dhibaato ka geystay gudaha Mareykanka”.

Hadaba, amarka cusub waa suuragal inuu la kulmo caqabado dhanka sharciga iyo maxkamadaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com