25 C
Mogadishu
Sunday, January 4, 2026

Trump oo sheegay inay qabteen Madaweynaha Venezuela iyo xaaskiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in weerarkii ay maanta ciidamadiisa ku qaadeen magaalada Caracas ee caasimadda dalka Venezuela ay kusoo qabteen Madaxweyne Nicolas Madura iyo xaaskiisa.

Weerarka oo qaatay 6 saacadood oo kaliya ayaa waxaa fuliyay ciidanka Mareykanka ee Delta Force oo ah  qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.

Madaxwyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay in dalkaas laga bixiyay Madura iyo xaaskiisa isla markaana loo qaaday waddanka dibaddiisa.

“Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka.” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in weerarka Mareykanka la adeegsaday, si loo ilaaliyo loona difaaco kuwa fulinayay amar xiridda.

Donald Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.

Mareykanka ayaa muddo raadinayay soo qabashada Madaxweynaha Venezuela Nicolas Madura, wuxuuna horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.

- Advertisement -

Read more

Local News