Baku (Caasimada Online) – Turkey iyo Israel ayaa yeeshay wadahadallo farsamo oo loogu talagalay in laga hortago isku dhacyo suurtagal ah oo ka dhex dhaca ciidamadooda ku sugan gudaha Suuriya, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah Khamiistii.
Wadahadalladii ugu horreeyay ayaa Arbacadii ka dhacay dalka Azerbaijan, iyada oo lagu gogol xaarayay sidii loo dhisi lahaa “nidaam hoos u dhiga xiisadda si looga fogaado dhacdooyin aan la rabin oo ka dhaca Suuriya,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo codsaday in aan la shaacin magaciisa, maadaama ay tahay siyaasad rasmi ah oo lagu ilaaliyo xogta.
“Dadaallada waxaa lagu wadi doonaa dhismaha hab lagu ilaaliyo deegaan dagaal-la’aan ah.”
Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad dhammaadkii sanadkii hore, Israel iyo Turkiga ayaa ku tartamaya saameynta ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sheegtay in diyaarado dagaal oo Israa’iili ah ay duqeeyeen saldhig ciidan oo gudaha dalkaas ku yaalla — saldhig Turkigu la sheegay inuu damacsan yahay inuu u adeegsado ballaarinta saameyntiisa gobolka.
Israel ayaa si gaar ah uga walaacsan in hoggaanka Islaamiga ah ee cusub ee ka arriminaya Suuriya in uu khatar ku noqdo xuduudda Israel, waxayna samaysay aag nabadeed oo ku yaalla gudaha Suuriya si ay u xakameyso khatartaasi.
Doorka sii kordhaya ee Turkiga gudaha Suuriya ayaa sidoo kale walaac ku abuuray Israel, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Talaadadii sheegay in saldhigyo milatari oo Turkigu ka sameeyo Suuriya ay noqon karaan “halis toos ah oo ku wajahan amniga Israel.”
Dowladda Ankara ayaa si buuxda u taageeraysa maamulka cusub ee Suuriya, kaas oo ay hoggaaminayaan kooxihii mucaaradka ahaa ee uu Turkigu taageerayay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee socday muddo 13 sano ah. Taageeradaas ayaa sidoo kale ka mid ah howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.
Sarkaalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in weli lagu guda jiro qorsheynta saldhig tababar oo ay wada yeeshaan Turkiga iyo Suuriya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlahaasi lagu wado si waafaqsan sharciga caalamiga ah “iyadoo aan la beegsanaynin waddan saddexaad.”
Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay in wadahadallo ay dhaceen Arbacadii, isagoo xusay in labada dhinac “isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si loo ilaaliyo xasilloonida ammaanka gobolka.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu “uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu dagaal ka bilaabo Suuriya – ha ahaato Israel ama waddan kale oo gobolka ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Ankara “aysan indhaha ka qabsan doonin xaalad kasta oo ka dhex dilaacda gudaha Suuriya – ha ahaato fowdo, weerar ama kicin – taas oo khatar ku noqon karta amniga qaranka Turkiga.”
In kasta oo ay horey iskula shaqeyn jireen sidii lammaane istiraatiiji ah, xiriirka u dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid qabow, wuxuuna sii xumaaday intii uu socday dagaalka Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si joogto ah u cambaareeyay dagaalkaasi, taasoo kicisay jawaabo kulul oo uga yimid madaxda Israel.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa toddobaadkan raadinayay taageero siyaasadeed oo uga timaada saaxiibkiisa, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ka doonayay garab uu kaga hortago Turkiga oo uu Israel u aragto inuu si isa soo taraysa u noqday dal cadaawad u haya.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa halkii uu ka garab istaagi lahaa Netanyahu, wuxuu si weyn u ammaanay Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “ninkii la wareegay arrimaha Suuriya,” wuxuuna isku soo bandhigay inuu noqon karo dhex-dhexaadiye dhexdooda ah, isagoo Netanyahu ugu baaqay inuu “macquul noqdo” marka uu wajahayo Ankara.