25.6 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Turkey oo diyaarisay 2,000 askari oo ku wajahan Gaza

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhameystireysa qorshayaal ay boqollaal askari ku geynayso Marinka Gaza, kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ah, sida ay werisay shabakadda Middle East Eye.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wadahadallo arrintan ku saabsan oo ay Ankara la leedahay Maraykanka iyo Israa’iil.

Ilo wareedyo arrinta u dhuun daloola ayaa Middle East Eye u sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay guud ahaan dalka laga ururinayay guuto nabad ilaalin ah oo ka kooban ugu yaraan 2,000 oo askari.

Ciidankan, oo ku biiri doona ciidanka caalamiga ah ee xasilinta Gaza ee ay wehliyaan dalal kale, ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan askar ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka, kuwaasoo leh khibrad hore oo nabad ilaalin iyo ka hawlgal goobo colaadeed.

Qorshaha nabadda Gaza, oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa dhigaya in Turkiga uu noqdo mid ka mid ah waddamada hoggaaminaya ee la wareegaya qaybo ballaaran oo ka tirsan dhulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza oo lagala wareegayo Xamaas.

Balse dowladda Israa’iil ayaa kasoo horjeeda tallaabadaas, Washington ayaan weli go’aan ka gaarin, qaraar Qaramada Midoobay ahna weli lama ansixin.

“Cag Turki ah halkan ma soo dhigi doonto,” ayay Shosh Bedrosian, oo ah afhayeenka dowladda Israa’iil, u sheegtay saxafiyiinta Axaddii. Ilo wareedyo Turki ah ayaa sheegaya in ka caga jiidka Israa’iil uu ka imaanayo iyadoo ka biyo diidan inay aqbasho xulufo adag oo NATO ka tirsan oo ka hawlgala marinka, kana hoos shaqeeya waajibaad ay Qaramada Midoobay bixiso (taasoo aan weli la helin).

Ankara waxay doonaysaa inay door toos ah ku yeelato dib-u-dhiska dagaalka kadib iyo habaynta amniga ee Gaza, iyadoo rabta inay gacan ka geysato hirgelinta xabbad-joojinta iyo dadaallada soo kabashada bani’aadannimo oo hoos timaada qaab-dhismeed ay Qaramada Midoobay hoggaaminayso.

Iyadoo ay weli jirto xiisad kala dhaxaysa Israa’iil, ayaa la soo warinayaa in Turkiga uu door ku lahaa soo celinta haraadiga askarigii Israa’iiliga ahaa ee Hadar Goldin, oo 11 sano kadib markii lagu dilay Gaza loo celiyay Israa’iil.

Sarkaal sare oo Turki ah ayaa u sheegay saxafi Israa’iili ah Barak Ravid in Ankara ay fududaysay wareejinta haraadigaas kadib dadaallo xooggan, taasoo ka tarjumaysa sida ay Xamaas si cad uga go’an tahay xabbad-joojinta.

Sarkaalkaas wuxuu kaloo tilmaamay in Ankara ay isku dayaysay inay ka shaqeyso heshiis beddelka wareejintaas ah, si loo dammaanad qaado marin ammaan ah oo ay helaan ilaa 200 oo dagaalyahan oo Xamaas ah oo hadda ku go’doonsan godad ku yaal Gaza, oo ay Israa’iil maamusho.

Saraakiil Turki ah ayaa Middle East Eye u sheegay in ku dhowaad kun askari oo Turki ah oo ka tirsan ciidanka dhulka ay horay isu diiwaan geliyeen inay ku biiraan guutada la soo jeediyay ee howlgalka Gaza, iyadoo la filayo inay ku biiraan xubno dheeri ah oo ka socda cutubyada injineeriyadda, saadka iyo kuwa ka hortagga walxaha qarxa.

Weli ma cadda in ciidammada badda ay ku biiri doonaan howlgalka, kaasoo saraakiisha Turkiga ay filayaan inuu u shaqeeyo sidii hawlgal wadajir ah oo ay ku lug leeyihiin dalal badan.

“Kani wuxuu noqon doonaa dadaal caalami ah oo la isku dubariday, mana noqon doono mid hal dhinac ah,” ayuu yiri sarkaal Turki ah oo Middle East Eye la hadlay.

Saraakiisha amniga ee Turkiga ayaa ku doodaya in ka qaybgalka Ankara ay gacan ka geysan doonto xasilinta Gaza iyo ka hortagga xiisado kale oo mustaqbalka dhaca. “Joogitaanka Turkiga wuxuu hubin lahaa isku dheelitirnaan iyo kalsooni,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turki ah.

Go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan baaxadda iyo waajibaadka ciidanka ayaa la filayaa in la gaaro kadib wadatashiyo dhex mara Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha gobolka toddobaadyada soo socda.

“Israa’iil waxay rabtaa in ciidanka xasilinta Gaza loo qaabeeyo si ay Tel Aviv u wiiqi karto saameynteeda ayna u burin karto dadaallada nabadda markii ay doonto,” ilo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socda ayaa sidaas u sheegay Middle East Eye.

Shabakadda Middle East Eye waxay la xiriirtay wasaaradda difaaca Turkiga si ay faahfaahin uga hesho arrintan.

Hub ka dhigista Xamaas

Qorshaha nabadda Gaza ee Donald Trump oo ka kooban 20-ka qodob ayaa ku baaqaya hawlgal ay waddamo badan ka qaybqaataan oo kormeera xabbad-joojinta, taageera dib-u-dhiska, iyo hub ka dhigista marinka. Qodobkaas dambe ayaa walaac ka dhex abuuray waddamada Carabta iyo Muslimiinta.

Dokumeentiyo ay aragtay shabakadda Middle East Eye ayaa muujinaya in qaraarka qabyada ah ee Qaramada Midoobay uu ciidanka u oggolaanayo inay hubka ka dhigaan Xamaas “iyagoo xoog isticmaalaya haddii loo baahdo”. Tani waxay keentay in Ankara ay ku eedeyso Washington inay amniga Israa’iil u wakiilatay ciidamada gobolka.

Turkiga wuxuu ku adkaysanayaa in howlgalku uu diiradda saaro xakameynta xuduudaha iyo dib-u-dhiska, ee uusan ahayn mid xoog lagu fulinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in ka qaybgalka Turkiga uu ku xiran yahay waajibaad ka timaada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qeexaysa baaxadda howlgalka. Dhanka kale, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidamo diraan haddii loo baahdo.

Turkiga iyo Masar labaduba waxay ka soo horjeedaan adeegsiga eray bixin keeni karta in ciidamadooda ay isku dhacaan Xamaas.

Trump wuxuu mar kale ku celiyay qorshihiisa, isagoo ciidanka ku tilmaamay “furaha nabadda waarta” wuxuuna ballan qaaday inuu si degdeg ah u heli doono ansixinta Qaramada Midoobay.

Wuxuu kaloo sheegay inuu shakhsi ahaan u guddoomin doono “Guddiga Nabadda” ee howlgalka, tallaabadaas oo diblomaasiyiintu ay sheegeen inay Washington siin doonto awood aan horay loo arag oo ay ku maamusho howlgalka.

Wargeyska Washington Post ayaa warinaya in xarun cusub oo isku-duwid ah oo uu milatariga Maraykanku hoggaaminayo, taasoo loo xilsaaray fulinta qorshaha nabadda Gaza ee Trump, ay hadda beddeshay Israa’iil oo ay noqotay hay’adda ugu weyn ee kormeeraysa gargaarka bini’aadannimo ee galaya marinka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News