Istanbul (Caasimada Online) – Ra’yi ururin dhowaan laga sameeyay dalka Turkiga ayaa daaha ka rogtay isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dadweynaha ee ku aaddan hubka nukliyeerka, iyadoo aqlabiyadda dadkii la waraystay ay hadda taageersan yihiin in dalkoodu sameysto hubkan. Arrintan ayaa jawaab u ah xiisadaha sii kordhaya ee gobolka, gaar ahaan kaddib weerarradii ay Israel ku qaadday dalka Iran bishii tagtay.
Codbixintan, oo ay samaysay hay’adda Research Istanbul intii u dhaxaysay 1-da ilaa 5-ta Luulyo, ayaa lagu waraystay 2,000 oo qof oo ku kala nool daafaha dalka.
Natiijooyinka kasoo baxay waxay iftiiminayaan dareen ammaan-darro oo sii kordhaya oo ka dhex jira muwaadiniinta Turkiga, kaasoo la xiriira difaaca qaranka iyo awoodda uu Turkigu u leeyahay inuu iska caabiyo khataraha imaan kara.
In kasta oo Turkigu uu xubin ka yahay Heshiiska Xakamaynta Faafidda Hubka Nukliyeerka (Treaty on the Non-Proliferation of Nuclear Weapons – NPT) tan iyo sanadkii 1979-kii, heshiiskaas oo sharci ahaan ka mamnuucaya Ankara inay horumariso, hesho, ama tijaabiso hubka nukliyeerka, haddana 71 boqolkiiba dadkii la waraystay ayaa aaminsan in Turkigu uu bilaabo samaynta hubka noocan ah, halka 18 boqolkiiba oo keliya ay kasoo horjeesteen.
Inkastoo dawladda Turkiga ay maalgashi ballaaran ku samaysay warshadaha difaaca sannadihii la soo dhaafay, haddana kalsoonida dadweynuhu ku qabaan nidaamyada difaaca hawada ee dalka ayaa weli hoosaysa.
Ku dhawaad kala bar dadkii la waraystay ayaa shaki ka muujiyay waxtarka ay yeelan karaan nidaamyada difaaca hawada ee Turkiga haddii weerar lagu soo qaado.
Guushii ay dhowaan gantaallada ballistic-ga ee Iran ka gaareen inay gudaha u galaan nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee Israel, ayna gaarsiiyeen khasaare la taaban karo, ayaa doodda ka dhex dhalisay gudaha Turkiga oo ku saabsan awoodaha difaac ee dalkooda.
Shakiga ayaa sidoo kale gaarsiisan xulafada Turkiga. Sida lagu sheegay codbixinta, 72 boqolkiiba dadkii la waraystay ma aaminsana in gaashaanbuurta NATO ay si wax ku ool ah u difaaci doonto Turkiga haddii la soo weeraro.
‘Dareen guud oo laga qabo khatar dibadeed’
“Natiijooyinkani waxay ka tarjumayaan welwelka sii kordhaya ee dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan iska horimaadyada gobollada Bariga Dhexe, Balkans-ka iyo Caucasus,” ayuu yiri Erdi Ozturk, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda London Metropolitan University.
“Dareenkan guud ee ah in khatar dibadeed ay jirto ayaa ku kallifaya bulshada Turkiga inay ka fiirsadaan tallaabooyin dhanka amniga ah oo markii hore ahaa mamnuuc, oo ay ku jirto raadinta awood is-hortaag oo nukliyeer ah.”
Ozturk wuxuu intaa ku daray in, in kasta oo ay jireen khilaafyo siyaasadeed oo soo jireen ah, haddana welwelka dhinaca amniga uu si isa soo taraysa ugu midaynayo bulshada Turkiga aragti guud oo isku mid ah.
Si wax looga qabto welwelka degdegga ah ee ku saabsan diyaaradaheeda dagaalka ee duugoobaya, Ankara waxay dhowaan heshiisyo la gashay dalal kale si ay u iibsato diyaaradaha nooca F-16 iyo Eurofighter, taasoo ah xal ku-meelgaar ah ilaa inta laga soo saarayo diyaaraddeeda jiilka shanaad ee Kaan, taasoo la filayo in la helo horaanta sanadka 2028.
“Muwaadiniin badan ayaa aaminsan in Turkigu uu si weyn ugu tiirsanaado awoodiisa milatari,” ayuu sharraxay Ozturk, “gaar ahaan maadaama wada-hadallada socda ee ku saabsan diyaaradaha dagaalka sida F-16 iyo F-35 ay sii kordhinayaan shakiga dadweynuhu ka qabaan isku halleynta saaxiibbada shisheeye.”
Ankara ayaan weli samayn wax hadal ah ama qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inay baaritaan ku samaynayso hubka nukliyeerka.
Turkiga ayaa hadda dhisaya warshaddiisii ugu horreysay ee tamarta nukliyeerka ee Akkuyu, isagoo kaashanaya shirkadda Rosatom ee dalka Ruushka. Mashruucan oo lagu qiyaasay inuu ku kacayo $20 bilyan oo dollar, wuxuu ka koobnaan doonaa afar reaktor oo leh awood isku-geyn ah oo dhan 4,800 megawatts (MW), waxaana la filayaa inuu daboolo qiyaastii 10 boqolkiiba baahida koronto ee Turkiga marka uu shaqo bilaabo sanadka soo socda.
Ozturk wuxuu sidoo kale xusay in shakiga baahsan ee laga qabo rabitaanka ama awoodda NATO ee ay ku difaacayso Turkiga uu si dhow ula xiriiro dareen Mareykan-nacayb ah oo qoto dheer, kaas oo weli ah arrin weyn oo saameyn ku leh qaabeynta aragtiyada dadweynaha ee ku aaddan siyaasadda amniga iyo difaaca.

