Istanbul (Caasimada Online)- Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga, waxaa ciidamo cusub loo tababarayaa dowlada Qadar oo ay xiisad kala dhexeyso xulafada Sacuudia.
Ciidamadan loo tababaraayo Qadar ayaa u badan Ajaaniib kasoo kala jeeda dalal african oo dhowr ah.
Tababarka ciidamada ayaa waxaa la sheegay inuu ka furmay Xero ciidan oo ku taalla Galbeedka magaalada Istanbuul.
Ciidamadani ayaa tirro ahaan dhan 1,700, waxaana loo tababarayaa ka howlgalka xuduudaha si ay u kaaban ciidamada ilaalada ka ah Xuduudaha Qadar oo iminka aan gaarsiisneen cadadka loogu tallo galay.
Dowlada Turkiga ayaa si xad dhaafa u garabtaagan dowlada Qadar oo ay ku kacsan tahay duufaano Siyaasadeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in Turkiga uu sabab u noqday fashilinta qorsho afganbi oo Xulafada Sacuudiga ay la damacsanaayen Qadar.
Dhinaca kale, dowlada Qadar oo aad ay u yaryihiin dadkeeda ayaa inta badan ciidamo ahaan u qorata dadka shisheeyaha ah ee mudada badan ku dhex dhaqmay dalkeeda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

