Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku hawlan mashruucii u ballaarnaa ee gudaha Soomaaliya, kaasi oo ah dhismaha saldhig dayax gacmeedka laga diro.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay Soomaaliya ka diri doonaan dayax-gacmeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ka dhexeeya.
Alper ayaa sheegay in dhismaha saldhigga laga maamuli doono dayax-gacmeedka uu socdo, isla markaana mashruucani uu barbar socdo hawlaha kale ee Turkidu ka wado Soomaaliya, sida kuwa amniga, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadantinimo.
Safiirka ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan dad ku hawlan faafinta dacaayado ka dhan ah xiriirka Ankara iyo Muqdisho, balse xaqiiqadu ay tahay in Turkiga uu yahay saaxiibka ugu weyn ee garab istaaga Soomaaliya.
Sidoo kale, safiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka hor dhammaadka sanadkan heli doonto doomaha xawaaraha sare ku socda ee loogu tala-galay ciidamada ilaalinta xeebaha, si wax looga qabto kaluumaysiga sharci darrada ah.
Dhinaca kale, Safiirka ayaa xusay kaalinta Turkiga ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga. Alper ayaa tilmaamay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Muhiimadda istaraatiijiyadeed ee mashruucan
Saldhigga dayax-gacmeedka ka sokow waxaa soo baxeysa in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Turkiga ay sidoo kale ku wajahanyihiin horumarinta awoodda difaaca. Ankara waxay muujisay inay dooneyso saldhig madax-bannaan oo dayax-gacmeedyo laga tuuro oo ku dhow dhul-baraha.
Iyadoo Soomaaliya ay leedahay “muuqaal si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya,” warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka uu yahay “goob istiraatiiji ah” oo ku habboon saldhig noocaas ah. Qorshahan ayaa la mid ah kan Talyaaniga oo raba inuu dib u furo saldhiggiisii hore ee Kenya, iyo xiisaha Sacuudigu ka qabo saldhigga Duqm ee dalka Cumaan.
Sidoo kale, Turkigu “kuma koobna oo keliya dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.” Ankara waxay sidoo kale raadineysaa “goob ku habboon oo ay ka dhigato xarun lagu tijaabiyo gantaallo waaweyn oo masaafado fog fog u duula.”
Dhismaha juqraafiyeed ee Turkiga ayaa ka dhigaya tijaabooyinkaasi kuwo adag in la sameeyo, waxaana si fudud ula socon kara quwado kale, maadaama gantaalladu ay u duuli karaan dhanka Badda Midhiterranean ama Badda Madow.
Dhanka kale, dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya oo dad yari ku nool yihiin ayaa bixinaya jawi aad u habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin noocaas ah, iyada oo laga fogaado meelaha si weyn loo deggan yahay, isla markaana laga yaabo inay yaraato indho-indheynta caalamiga ah marka la joogo marxaladaha ugu muhiimsan ee tijaabada.