Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho ka soo dejisay diyaarado dagaal oo ah nooca F-16, kuwaas oo ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Maraykanka, sida uu baahiyay wargeyska The Middle East Eye.
Warbixintu waxay tilmaamaysa in Turkigu muddooyinkii u dambeeyey gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ka waday shaqooyin ballaaran oo diyaarin ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgalinta iyo taageerada farsamo.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.
Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid muujinaysa sii xoogeynta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo saameynteeda gobolka.
Dhanka kale, wargeys ka soo baxa dalka Giriigga ayaa qoray in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya keeno hubka difaaca cirka ee lidka diyaaradaha dagaalka.
Qorshahan ayaa lagu sheegay mid Turkigu ku doonayo inuu ku difaaco danihiisa ku sugan Soomaaliya, isla markaana uga hortago cid kasta oo caqabad ku noqon karta.
Arrintan ayaa lala barbardhigay tallaabadii uu Turkigu horay uga qaaday dalka Liibiya, ka hor intii uusan weerarin saldhigyadii Khaliif Xaftar sanadkii 2019, xilli uu ku sigtay inuu la wareego dalkaas, gaar ahaan caasimadda Tripoli, ama sida Carabtu u taqaan Daraabulus.

