29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Turkiga oo hub iyo gaadiid dagaal oo hor leh u daad gureynaya Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baahiyeen Wargeysyada mucaaradka Turkiga ayaa sheegaya in dowlada Turkiga ay Hub iyo Gaadiid dagaal u daad gureyneyso dalka Qadar.

Hubka iyo Gaadiidka ayaa la sheegay inay saanad Militery u tahay ciidamada Turkiga ee dhawaan la geeyay dalka Qadar.

Wargeysyada ayaa sheegay in qeybo kamid ah Hubka iyo Gaadiidka loogu deeqay Qadar, si ay isaga difaacdo duulaanka suuragalka ah ee kaga imaankara dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Gaadiidka ayaa waxaa dalka Turkiga ka daad gureeyay diyaaradah nooca wax xinbaara, halka Hubka lagu qaaday diyaaradaha nooca dagaalka ee Turkiga.

Waxa ay qoreen in Hubka lasiiyay Qadar ay ku jiraan kuwa meelaha fog wax ka gumaada ee loo isticmaalo Qaaradaha fog.

Daad gureynta Turkiga ayaa la xaqiijiyay in lagu fashilinayo duulaanka isbaheysiga Sacuudiga ee ku foorara Qadar.

Sidoo kale, Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Turkiga ku eedeeyay inay ka dhex shaqeyneyso dowladaha Khaliijka ee uu khilaafka ka dhex aloosan yahay.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa isku muuqaal ekeysiinaya mid dhex dhexaad ka ah xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka, waxaase la rumeysan yahay inay la safan tahay Qadar.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News