Ankara (Caasimada Online) – Inkasta oo dalal badan oo xulafo la ah Iran iyo kuwo gobolka ka tirsan ay si adag u cambaareeyeen weerarada Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, hadana Turkigu wuu ka gaabsaday inuu si toos ah u dhaleeceeyo tallaabadaas, taasoo ay u arkaan khatar cusub oo keeni karta isku dhacyo hor leh.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii fiidkii khudbad telefishanka laga sii daayey ku sheegay in Washington ay beegsatay saddex xarumood oo muhiim ah oo nukliyeerka Iran ah, si loo curyaamiyo awoodda dalkaasi ee lagu hodminayo uranium-ka.
“Waxaan u xaqiijin karaa dunida in weeraradaasi ay guul weyn u ahayd millatariga Mareykanka. Xarumo muhiim ah oo lagu kobcin jiray uranium-ka Iran si buuxda ayaa loo burburiyay,” ayuu Trump ku yiri khudbadiisa, isagoo intaas ku daray in Tehran ay tahay inay “nabadda doorato,” haddii kale ay wajihi doonto weerarro kale oo ka xoog badan kuwii hore.
“Waxa jiri doona nabad, ama musiibo ka ba’an middii aynu aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Saacado uun ka dib markii weeraradaas dhaceen, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabooyinkaas ay khalkhal gelin karaan xasilloonida guud ee gobolka.
“Turkiga wuxuu si weyn uga walaacsan yahay saameynta laga yaabo inay ka dhalato weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.
“Horumarka hadda socda wuxuu gobolka ka dhigi karaa meel uu dagaal ballaaran ka qarxo, xitaa heer caalami ah. Ma rabno in khariidadaas musiibada ah ay rumowdo,” ayay wasaaraddu ku dartay.
Dib u dhigashada hadalka adag ee Erdogan
Hadalkan xakameysan wuxuu si weyn uga duwanaa hadalkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu jeediyay maalintii ka horreysay, markaas oo uu weerarada Israa’iil ku qaadday Iran toddobaadyadii la soo dhaafay ku tilmaamay “burcadnimo”.
In kasta oo Ankara ay muddo dheer kasoo horjeedday in Iran ay hesho hubka nukliyeerka, hadana waxay si joogto ah u taageertay xalka diblomaasiyadeed. Waxaa xusid mudan in 2010-kii, Turkiga iyo Brazil ay wada-hadallo fududeeyeen oo la xiriiray isdhaafsiga shidaalka nukliyeerka si loo dejiyo xiisadaha.
“Iran waxay ku andacootaa in barnaamijkeeda nukliyeerku uu yahay tallaabo difaac ah, balse Turkigu wuxuu u arkaa arrin halis ah oo dhalin karta tartan hub oo gobolka ka qarxa,” ayuu qoray Murat Yesiltas, khabiir amni oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista SETA iyo Golaha Diblomaasiyadda Madaxweynaha Turkiga.
“Sikastaba ha ahaatee, diidmada Turkiga ee gardarrada Israa’iil micnaheedu maaha inuu taageersan yahay hamiga nukliyeer ee Iran.”
Xisaab siyaasadeed oo fog
Dowladda Turkiga ayaa weerarada Israel ku qaadday xarumaha Iran ku tilmaantay kuwo aan sabab lahayn, iyada oo tixraacaysa warbixino ay hayaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo IAEA oo sheegaya inaysan jirin caddeyn muujinaysa in Tehran si firfircoon uga shaqaynayso horumarinta hub nukliyeer ah.
Arrintan ayaa sharaxaysa sababta ay saraakiisha Turkigu si degdeg ah u cambaareeyeen weerarada Israa’iil, iyagoo u arka kuwo sii hurinaya xiisadaha gobolka, xilli ay horey Israa’iil uga geysatay weerarro kale Gaza, Lubnaan iyo Suuriya.
Warbaahinta dowladda Iran ee Nour News, oo soo xigatay Wasaaradda Caafimaadka Iran, ayaa sheegtay in weerarada Israa’iil tan iyo 13-kii Juun ay dileen 430 qof, halka ay ku dhaawaceen qiyaastii 3,500.
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 25 qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen weerarada Iran, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Erdogan oo isu muujinaya dhexdhexaadiye
Madaxweyne Erdogan ayaa halkii uu cambaareyn lahaa Mareykanka, wuxuu doortay inuu xaaladda dejiyo, isagoo taleefanno kula hadlay madaxda muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Masoud Pezeshkian ee Iran iyo Trump.
Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay Istanbul inay noqon karto goob loogu talagalay wada-hadallo nukliyeer ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.
Erdogan wuxuu u muuqdaa inuu sii ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Trump, xiriir hore uga caawiyay inuu Mareykanku ka laabto cunaqabatayntii saarneyd maamulka Madaxweyne Axmed Al Sharaa ee Suuriya.
Sida ay u xaqiijiyeen saraakiil Turkiga ah, kana jawaabayay warbixin uu Axaddii daabacay wargeyska Axios, Erdogan ayaa ikhtiyaar u helay inuu Trump ku qanciyo dirista Madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo Wakiilka Gaarka ah Steve Witkoff, si ay ula kulmaan wafdi Iran ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi. Trump laftiisu wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu kulankaas ka qeyb galo.
Hase yeeshee, kulankii la qorsheeyay wuu baaqday, kadib markii aan la helin go’aan kama dambeys ah oo kasoo baxa Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay sheegeen saraakiisha Turkigu.
Doorka Turkiga ee xalka siyaasadeed
Bayaan cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa muujinaya rabitaanka Erdogan ee ah in dalkiisu martigeliyo wada-hadallo Mareykanka iyo Iran dhex mara.
“Xalka kaliya ee lagu gaaro heshiis ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran waa wada-hadal,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Turkiga wuxuu diyaar u yahay inuu guto mas’uuliyadiisa, kuna bixiyo dadaallo wax ku ool ah.”
Inkasta oo Erdogan uu mararka qaar hadallo kulul jeediyo, hadana siyaasaddiisa ku aaddan khilaafaadka gobolka waxay ku saleysan tahay in aanu si cad dhinac ula safan, taasoo Turkiga u ogolaaneysa inuu helo meel dhexe oo istaraatijiyadeed.
Xubinnimada Turkiga ee NATO iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Mareykanka ayaa siinaya fursad uu kula falgalo labada dhinac – kuwa xulafo ah iyo kuwa cadawga u ah – si uu u gaadho yoolkiisa istaraatijiyadeed.
“Sikastaba, aragtida Turkiga ee ku aaddan khilaafka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil kama imanayso dan siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Yesiltas.
“Khataraha taagan ma aha kuwo maldahan. Waxay si toos ah u saameyn karaan amniga dhuleed ee Turkiga, xasilloonida tamarta, yoolalka dhaqaale iyo isu dheellitirka tirada dadka.”