Ankara (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu, ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii 2012 uu hor istaagay qorshe ay gadaal ka wadday dowladda Ingiriiska, kaas oo lagu doonayay in Midowga Yurub si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal madax-bannaan.
Davutoğlu waxa uu sheegay in Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee xilligaas, William Hague uu ku hawlanaa dadaallo uu dalalka Yurub ku qancinayay in ay aqoonsadaan Somaliland, balse isaga uu joojiyey tallaabadaas kadib kulan ay wada yeesheen madax ka kala socday Turkiga iyo Ingiriiska.
“William Hague waxa uu diblumaasiyiinta Yurub ka dhex waday olole ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Markii aan shirka soo galay, arrintu meel wanaagsan ayay maraysay. Waxaan ku idhi: maxaad samaynaysaa? Annagu Soomaaliya ayaanu dejinaynaa, adiguna waad kala jaraysaa,” ayuu yiri Davutoğlu.
Sida uu sheegay, Hague ayaa ku dooday in Somaliland tahay deegaan ammaan ah oo leh nidaam dimuqraadi ah, isla markaana mudan aqoonsi, halka Soomaaliya xilligaas ay ku jirtay qalalaase iyo firaaq dowladeed.
Davutoğlu waxa kale oo uu xusay in uu Hague u sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado, Ingiriisku markaasna aqoonsan karo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Cyprus, maadaama ay iyaduna tahay dal deggan oo aanay ka jirin argagixiso. “Dadkii goobta joogay way la yaabeen hadalkaas,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in isla maalintaas uu la xiriiray Madaxweynihii Somaliland ee markaas, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo u sheegay: “Waxaynu nahay dalal Muslim ah, cid kale yaanay arrimaheenna faragelin.”
Kadib, ayuu sheegay in Turkigu marti-geliyey shir lagu kulminayey labada dhinac, si loo sii amba-qaado wada-xaajoodyada Somaliland iyo Soomaaliya, ujeeddaduna ahayd in aan Somaliland la aqoonsan, isla markaana caalamku u arko in arrintu ku jirto wadahadal, taasoo keentay in la hakiyo dadaallada aqoonsiga.
Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo socday in ka badan toban sano isla markaana aan wax miro ah dhalin, ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi u arkaan kuwo lagu carqaladaynayey hammiga aqoonsi-raadinta, si beesha caalamku u sugto natiijadooda una qaadin tallaabo kale, halka aragtiyo kale ay ka soo horjeedaan fikirkaas.
Haatan, wada-hadalladaas waa ay burbureen, waxaana sii xumaaday xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa, kadib markii Somaliland ay ka caroootay doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ee laga sameeyay gobolka Sool, taas oo Somaliland ku tilmaantay faragelin ka dhan ah madax-bannaanideeda.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Somaliland ku daray liiska khataraha dalka wajahay, iyagoo khatarta koowaad u aqoonsaday argagixisada, tan labaadna ku tilmaamay fikirka gooni-u-goosadka oo ay ula jeedeen Somaliland.
Somaliland ayaa dhanka kale sheegtay inay markii ugu horreysay heshay aqoonsi buuxa oo ka yimid dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay 26-kii December ee sannadkii hore, kadib markii Israa’iil ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

