27.7 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Turkiga oo shaaciyey xilliga uu billaabayo qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday inay qorsheynayso in sanadka 2026-ka ay si rasmi ah u billowdo qodista ceelasha shidaalka iyo gaaska ee ku jira xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii la soo gabagabeeyay, natiijo wanaagsanna laga helay sahankii dhuleed ee laga sameeyay qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Xukuumadda Ankara ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore u dirtay Soomaaliya markabka cilmi-baarista ee Oruc Reis, kaas oo sameeyay sahan saddex-cabir ah (3D seismic study) oo laga fuliyay saddex aag oo loo qoondeeyay shirkadda Batroolka Turkiga (Turkish Petroleum).

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa rajo weyn ka qaba in xogta laga ururiyay saddexdan aag—oo midkiiba ku fadhiyo bed dhan 5,000 oo kiiloomitir oo isku wareeg ah—ay muujin doonto jiritaanka keyd shidaal oo baaxad leh.

“Sanadkan waxaan fulinnay howlgalladii sahanka, waxayna u badan tahay in 2026-ku uu noo noqon doono sanadkii qodista ee xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Bayraktar oo warbaahinta la hadlayay Arbacadii.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in shaacinta rasmiga ah ee arrintan la sameyn doono bisha koowaad ee sanadka cusub ee Janaayo. Sidoo kale, sarkaal Turkish ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa shabakadda Middle East Eye u sheegay bishii hore in natiijada rasmiga ah ee sahanka ay si buuxda u soo bixi doonto isla bisha Janaayo.

Maraakiib cusub iyo howlgal culus

Bayraktar ayaa tilmaamay in Ankara ay goobta u diri doonto maraakiib casri ah oo ay dhowaan soo iibsatay dowladda, si ay u fuliyaan howsha qodista iyo soo saarista kheyraadka ku jira badda gunteeda.

Wuxuu qiray in qodista shidaalka badda ay noqon doonto mid farsamo ahaan aad u adag, maadaama laga shaqeynayo biyo aad u qoto dheer oo gaaraya illaa 3,000 oo mitir.

Xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale leh caqabado dhanka amniga ah, taas oo keentay in markabkii Oruc Reis ay muddo ku dhow toban bilood galbinayeen maraakiibta dagaalka ee Turkiga illaa intii uu shaqada ka dhameysanayay.

Heshiiska dhex maray Turkiga iyo Soomaaliya kuma koobna oo kaliya badda, balse wuxuu sidoo kale dhigayaa in shirkadaha Turkigu ay qodis iyo soo-saar ka sameyn karaan dhulka berriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Bayraktar ayaa xusay in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo u baahan in wax laga qabto ka hor inta aan la gaarin heerka soo-saarista.

“Xitaa ma jirto waddo la isku halleyn karo oo lagu tago goobta. Sidaa darteed, waxaa waajib nagu ah inaan dhisno kaabayaashii dhaqaale ee loo baahnaa. Amnigu waa caqabad kale, waana ku howlanahay sidii aan arrimahaas u xalin lahayn,” ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu intaas raaciyay: “Sanadka 2026-ka waxaan higsaneynaa inaan billowno howlgallada, markanna ma noqon doonto sahan oo kaliya, balse waxay noqon doontaa qodis toos ah oo laga sameeyo aagga berriga ee Soomaaliya.”

Ilo-wareed Soomaali ah oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in dhowaan la bixin doono qandaraaska dhismaha waddooyinka loo maro goobaha shidaalka, lana filayo in kaabayaashaas ay diyaar noqdaan ka hor inta aan la billaabin howlgallada qodista.

Kharashka iyo baaxadda kheyraadka

Sida lagu xusay warbixino kasoo baxay dowladda Mareykanka, Soomaaliya waxaa la aaminsan yahay inay leedahay ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo isugu jira keyd shidaal iyo gaas. Si kastaba ha ahaatee, in kheyraadkan la horumariyo waxay u baahan tahay maalgashi aad u ballaaran oo qaadan kara inta u dhaxeysa saddex illaa shan sano.

Khabiir dhanka tamarta ah oo sanadkan 2024 la hadlay warbaahinta ayaa saadaaliyay in Turkiga looga baahan yahay inuu ku bixiyo nus-bilyan doollar si uu u dhameystiro sahanka iyo qodista hordhaca ah ee biyaha Soomaaliya. Horumarinta keydka shidaalka iyo gaaska ee buuxa ayaa iyaduna la filayaa inay ku kacdo dhowr bilyan oo doollar oo dheeri ah.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si weyn u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, xilligaas oo xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay gurmad bini’aadanimo oo qiimihiisu ka badnaa $1 bilyan u fidisay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Turkiga ayaa haatan Muqdisho ku leh safaaradda ugu weyn ee uu caalamka ku leeyahay, iyo saldhig milatari oo ballaaran.

Sidoo kale, shirkadaha Turkiga ayaa maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, iyadoo dowladda Turkiguna ay tababartay kumanaan askari oo Soomaali ah, kuwaas oo qiyaastii ka dhigan saddex meelood oo meel ciidanka xoogga dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News