Turkiga oo si cajiib u muujiyay ‘sida ay uga go’an tahay’ xasilloonida Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa si cajiib ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay xasiloon iyo nabadda Soomaaliya, xilli ay dhawaan labada waddan qalinka ku duugeen heshiis difaac.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in amniga Soomaaliya uu sidoo kale yahay amniga Turkiga, taasi oo macnaheedu yahay in xasiloonida Soomaaliya aysan uga duwaneyn midka dalkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Amniga Soomaaliya sidoo kale waa amniga Turkiga, waligeen kamaanu fikirin in xasiloonida Soomaaliya ay si gaar ah uga duwan tahay xasiloonida dalkeena,” ayuu yiri Mr. Aktaş oo dhawaan ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhaweynayay Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya uu muujinayo xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Turkiga wuxuu sii wadi doona taageeraddiisa Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiraha, isaggoo caddeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-banaanida iyo mdinimada dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha bishii hore, taasi oo sii xoojineysa xiriirka labada waddan kadib markii ay gaareen heshiis difaac.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayo xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.