Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlihii naqshadeynta iyo daraasadda suurta-galnimada ee dhismaha dekedda ama saldhigga hawada sare ee laga hirgelinayo Soomaaliya, iyadoo wejigii koowaad ee dhismaha si rasmi ah loo billaabay.
Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolojiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacir, ayaa warkan xaqiijiyay Talaadadii.
Hadalkan ayaa soo baxay saacado kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu shaaciyay qorshaha Turkiga ee dhismaha saldhiggan, xilli uu shir jaraa’id oo wadajir ah la qabanayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku joogay Istanbul.
Sababta loo doortay Soomaaliya
Wasiir Kacir, oo faahfaahin siinayay wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa sheegay in saldhiggan laga dhisayo dhul ay Soomaaliya u qoondeysay Turkiga, kaas oo qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal dhexmaray.
Wuxuu xusay in dalalka ku yaalla aagga dhul-baraha ay leeyihiin faa’iidooyin farsamo oo la xiriira gelitaanka hawada sare iyo u dirista dayax-gacmeedyada.
“Natiijada daraasadihii la sameeyay, Soomaaliya ayaa noqotay goobta ugu habboon ee laga samayn karo maalgashiga dekedda hawada sare,” ayuu yiri Kacir.
Mashruucan ayaa qayb ka ah “Barnaamijka Hawada Sare ee Qaranka Turkiga,” waxaana iska kaashanaya Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolojiyadda iyo Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga.
“Lahaanshaha Turkiga ee dekedda hawada sare waa tallaabo istiraatiijiyadeed oo dalkeenna ka dhigaysa mid madax-bannaan, tartan geli kara, saameynna ku leh hawlaha hawada sare ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaas ku daray in maalgashigan uu leeyahay faa’iidooyin dhaqaale oo waara oo dhanka hawada sare ah.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in Turkigu awood u yeesho inuu gantaalladiisa iyo dayax-gacmeedyadiisa si madax-bannaan ugu diro hawada sare, taasoo abuuraysa nidaam warshadeed oo gudaha ah.
Nidaamkan ayaa dabooli doona baahiyaha muhiimka ah sida matoorada gantaallada, teknoolojiyadda shidaalka, iyo kaabayaasha dhulka, taasoo meesha ka saaraysa ku tiirsanaanta shisheeyaha.
Faa’iidada ganacsi iyo tan Soomaaliya
Saldhigga ayaa la filayaa inuu u adeego suuqa ganacsiga hawada sare ee caalamiga ah. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani uu noqon doono kaabayaal istiraatiijiyadeed oo dakhli u soo xareeya Turkiga, isla markaana gacan weyn ka geysan doona horumarka Soomaaliya.
Isagoo sharxaya sababta farsamo ee Soomaaliya, Wasiir Kacir wuxuu yiri: “Joqraafi ahaan, maadaama Soomaaliya ay u dhowdahay dhul-baraha, lehna xeeb dheer, cimilo wanaagsan sanadka oo dhan, iyo ciriiriga dhanka hawada iyo badda oo yar, waxay siinaysaa faa’iidooyin waaweyn oo dhanka badqabka iyo waxtarka ah.”
Wasiirka ayaa tilmaamay in maalgashigan uu Turkiga ka dhigayo mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee leh goobo u gaar ah oo gantaallada laga diro.
“Waa dalal aad u yar oo caalamka ah kuwa leh kaabayaal madax-bannaan oo dayax-gacmeedyada lagu diro,” ayuu xusay.
Ugu dambayntii, Wasiir Kacir ayaa sheegay in saldhiggan uu kor u qaadi doono amniga qaranka Turkiga, xoojin doono awoodda warshadaha, isla markaana dalka gaarsiin doono heerka ugu sarreeya ee dhaqaalaha hawada sare ee caalamka.

