26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaya taalis cusub oo qaabilsan hawlgallada cirka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qorshe istiraatiiji ah oo ay ku dhisayso Talis Cusub oo u qaabilsan Hawlgallada Cirka (Air Task Command) gudaha Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah ballaarinta iskaashiga difaaca ee qotada dheer ee kala dhexeeya xukuumadda Muqdisho, waxaa sidaas shaaciyey wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler.

Wasiir Güler ayaa sheegay in taliskan lagu qalabeyn doono awood ciidan oo dhanka cirka ah, taas oo isugu jirta diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters), diyaaradaha taageerada saadka, iyo kuwa dagaalka. Ujeedka ugu weyn ee dhismaha taliskan ayaa lagu sheegay in kor loo qaado awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sugidda badqabka ciidamada, iyo guud ahaan adkeynta difaaca qaranka.

Wasiirka ayaa qorshahan ku tilmaamay tiir istaraatiiji ah oo xoojinaya iskaashiga amniga ee muddada dheer u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, gaar ahaan dhinacyada tababarka, taageerada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada.

Turkiga ayaa horey magaalada Muqdisho ugu lahaa saldhiggiisa milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dalka dibaddiisa, halkaas oo hawlgalka TURKSOM uu ku tababaro ciidamada Soomaaliya, kana taageero dhismaha hay’adaha milatariga.

Taliska cusub ee cirka ayaa xiriirkaas u yeelaya waji cusub, isagoo diiradda saaraya dhaqdhaqaaqa cirka, jawaab-celinta degdegga ah, iyo taageerada hawlgallada dhulka.

Saraakiisha iyo dadka indho-indheeya arrimaha amniga ayaa qaba in dhismaha awooddan cirka ay Soomaaliya ka caawin doonto in ciidamada si degdeg ah loogu daabulo dhulalka maritaankoodu adag yahay, horumarinta daad-gureynta dhaawaca iyo gaarsiinta saadka, iyo weliba bixinta xog-sahan, iyo cabsi-gelin lagu sameeyo goobaha ay weli ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Haddii loo fuliyo sida loo qorsheeyay, tallaabadani waxay noqon doontaa mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee Soomaaliya u qaaddo dhismaha awood ciidan oo isku dhafan (cir iyo dhul).

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeystay xiriirka amni ee labada dal, iyadoo Ankara iyo Muqdisho ay iskaashigan ku qeexeen mid looga gol leeyahay taageeridda xasilloonida iyo xoojinta awoodda dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News