27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Turkish Airlines oo hakineysa duulimaadyadii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Diyaarada Turkish Airlines ay joojineyso duulimaadyadeeda Somalia.

Qoraalka oo si saa’id ah ay u hadal hayaan warbaahinta, ayaa waxaa la sheegayaa in sababta ugu weyn ay tahay Qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo.

Shirkada Turkish Airlines ayaa horay u joojisay muddo 20 cisho duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho kadib Qaraxii ka dhex dhacay Daallo Airlines.

Qaraxii ka dhex dhacay Daallo ayaa waxa uu sidoo kale hoos u dhigay kalsoonidii ay qabeen Shirkado badan, oo la filaayay in duulimaadyo ay ka bilaaban Garoonka Aadan Cadde.

Ma jirto warbixin kasoo baxday shirkada oo cadeyneysa in Shirkada Turkish Airlines ay joojin doonto duulimaadkeeda Somalia, balse waxa ay warbixintaani warbaahinta la wadaagen Saraakiil ka howlgasha Shirkada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News