27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xasan oo xilka ka qaaday taliyihii NISA, magacaabayna mid kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho ( Caasimada Online) – War qoraal ah oo goor dhow kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliyihii hay’adda Nabad Sugidda Cabdiraxmaan Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa si KMG xilkan ugu magacaabay Cabdullahi Gaafow Maxamuud.

Caasimada Online ayaa shalay si gaar ah u shaacisay in Tuuryare xilka laga qaadayo.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News