25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Twitter-ka BBC Northampton oo lagu baahiyay in la toogtay Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka oo xiganaaya BBC Northampton ayaa qoray in la toogtay Madaxweynaha la doortay doland Trump.

Warbaahinta BBC Northampton, ayaa qortay in warbixintaasi lagu baahiyay Twitterkooda kadib markii ay jabsadeen Kooxo qooleysato ah.

Maamulka BBC Northampton, ayaa sheegay in warbixintaasi ay tahay mid been abuur ah, isla markaana la daabacay xili la jabsaday beejkooda Twitter-ka.

Beejka BBC Northampton ee barta Twitterka, ayaa waxaa lagu baahiyay in maalinimadii shalay la toogtay Doland Trump, xili uu ku guda jiray Xaflada Caleemasaarka.

Twitterka laga Jabsaday BBC Northampton, ayaa waxaa lagu qoray warbixin kooban oo ah ”Madaxweyne Doland Trump oo rasaas looga dhaawacay mid kamid ah gacmihiisa”

Qeybaha BBC Northampton u qaabilsan baraha Bulshada oo ka jawaabaya warbixinta lagu baahiyay beejkooda ayaa si dhaqsi ah u tirtiray warbixinta been abuurka ah ee beejkooda lagu baahiyay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa badqaba, waxaana faafinta warkaasi lagu eedeeyay dhinacyada kasoo horjeeda Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News