27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Iimaamka iyo Ugaaska Mudullood: Ma duubab dhaqan baa mise dulaaliin siyaasadeed?

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) –Wafdi ka koobanaa, Ugaasyo iyo Waxgarad, uuna horkacayay – Iimaam Maxamuud Imaam Yuusuf ayaa maalintii shalay ahayd soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Muddulood ayaanan soo wargelin imaatinkooda magaalada Beledweyne Ugaaska beesha Xawaadle, Wax-garadkan oo xaflad soo dhaweyn ahayd loogu sameyay xaafadda Howl-wadaag, ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka beesha Gaaljecel.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ahaa Wafdigan ayaa sheegay in Balaldweyne ay u yimaadeen sidii kulammo iyo wada-tashi looga hadlay mustaqbalka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ula qaadan lahayeen waxgaradka gobolka iyo qaybaha bulshada.

Imaam Max’uud oo horkacayay wafdiga maanta yimid Baladweyne ayaa wuxuu duubabka dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan uga mahad-celiyay soo dhaweyntii Baladweyne ay ugu sameeyeen wafdigiiisa.

Xubnaha Wafdigaan ayaa kala ahaa; Imaam Maxamuud Iimaan Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi iyo Isloow Yuusuf Colaad.

Waxaa habeenimadii xalay ahayd uu kulumo albaabada u xiran yihiin magaalada Muqdisho ku yeeshay wax garadka iyo siyaasiyiinta beelaha Waceeysle iyo Harti Abgaal, kuwaasoo si wada jira u soo saaray go’aamo liddi ku ah tegitaanka aay tageen Iimaamka Mudulood iyo Ugaaska Mudulood magaalada Beledweyne.

Labada beelood ayaa si cad u sheegay in Iimaam Maxamuud uusan ahayn Iimaam matala beesha Mudulood maadaama uu yahay mid ku meel gaar ah, go’aanka aay ku tageen Beledweyne iyaga u gaar yahay oo aanay beesha Mudulood la qabin. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo dhawaantan uu ka soo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud dalka Talyaaniga ayaa waday lacag loogu talo galay in la isaga horkeeno beelaha walaalaha ah ee dega Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Gaaljecel Iyo Xawaadle.

Arrintan ayaa keeni karta isku dhac uu dhiig ku daato, waxaana masuuliyadeeda dusha u ridanaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri mid ka mid ah salaadiinta beesha Mudulood oo warramayay Caasimadda Online. “Waa nasiib darro in duubabkii dhaqanka aay isku bedelaan dulaaliin siyaasadeed”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Beelaha gobolka Hiiraan iyo duubabka dhaqanka ayaa dhawaan kulan ay wadajir u qaateen waxay ku qaaddaceen ka qayb-galka shirka magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo labada gobol, Waxaana la dhihi karaa waa markii ugu horreysay oo ay duubabka dhaqanka beelaha kale u tagaan Beledweyne arrintan ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol, walow uu hadafkoodu yahay mid u eg in uu keeni doono colaad ka dhalata Hiiraan.,

Ugu dambeyntii Ugaas Xassan Ugaas Khaliif – kama uusan mid ahayn duubabkii dhaqanka ee maanta la kulmay wax-garadka soo gaaray Magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay kaliya in uu la kulmi doona duubabka Mudulood haddii hadafkoodu uu yahay mid dhaqan, balse haddii aay u socdaan arrin siyaasad ku xiran, siyaasiyiinta beesha Xawaadle waxaa aay joogaan Muqdisho ee hakula shireen.

Ujeedka safarkan ayaa siyaasiyiin badani ku tilmaameen in uu yahay mid uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku cadaadiyo Ugaaska beesha Xawaadle, oo ka biyo diiday fara gelinta uu Xasan Sheekh ku hayo arrimaha siyaasadda ee gobolka Hiiraan.

1 2 3 4 5 6 7

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News