IGAD oo WARBIXIN cusub kasoo saartay xaaladda dalal ay ku jirto Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – War kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalal ay ku jiro Soomaaliya, kuwaas oo ay saameysay abaarta Geeska Afrika.

IGAD ayaa shaacisay in in ka badan 50 milyan oo qof ay saameysay abaarta, kuwaas oo ku nool wadamada kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Koonfur Suudaan iyo Suudaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xaalad cunno la’aan ah iyo nafaqo darro baahsan ay wajahayaan dadka ku nool wadamadaan oo ay saameyn taban ku yeelatay abaarta.

Warbixinta IGAD waxa kale oo lagu sheegay in xaaladdaan oo kale aysan dhicin 40-kii sano ee u dambeeyey, isla-markaana ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto.

“Gobolkeenu waxa ay Abaartu u saameysay si aanay horay u dhicin, xiligaan waxaa taagan waa xaalad cunno la’aan ah oo ka jirta Itoobiya, Kenya & Soomaaliya, dhibaato tan lamid ah ma dhicin 40kii sano u dambeeyay, waa arrin wadno qabad ku ah nolosha Dad badan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale intaasi kusii daray, haddii aan xal loo helin abaarta haatan jirta ay sii kordhi doonto dhibaatada, gaar ahaan xaaladaha bani’aadanimada ah.

“Haddii aan gargaar loo helin ama dhicin xaalad kale oo abaarta ka saari karta Ilaa October ama December welwelka wuu sii kordhi doonnaa” ayaa markale lagu yiri qoraalka IGAD.

Soomaaliya ayaa ka mid wadamada ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta dalal badan oo ka mid ah Afrika, waxayna si gaar ah u saameysay nolosha dadka iyo duunyada.