25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Uganda oo ka faa’iideysaneysa bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa faa’iido gaar ahaaneed heli doonta haddii ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.

Kulan dhexmaray madaxweynaha Uganda iyo safiirka Faransiiska ee dalka Uganda ayaa waxaa madaxweyne Musaveni uu ku dalbaday Faransiiska in Uganda uu ka taageero badalka Ciidamada Ethiopia.

Madaxweynaha Uganda ayaa dalbaday in lagu taageero ciidamadooda gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney xaqiijin doonaan amaanka goobaha ay baneeyeen ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia haddii ay baxeen muhiim tahay in la taageero ciidamada Uganda, isaga oo sheegay iney leeyihiin hogaamin wanaagsan, sida uu sheegay.

‘”Haddii ay Ethiopianka ka baxeen, Taageer Ciiddanka Uganda, waayo waxaan leenahay Hoggaamin iyo Ciiddamo” ayuu yiri Madaxweynaha oo Midowga Europe u xaqiijiyey inay Ciiddankiisa buuxin karaan Kaalinta ay banneeyeen Askarta Ethiopia, kuwaasi oo dhawaan ka baxay qeybo ka mid ah Goballadda Bartamaha iyo K/Galbeed Somalia.

Uganda ayaa ka faa’ideysa arinta, sababtoo ah waxay dalka Keeni doonaan ciidamo dheeraad ah, waxaana askari walbaa dowlada ay ka heshaa ku dhawaad 400 doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Uganda
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News