Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay joojisay bixinga aqoonsiga qaxootinimo ee dadka ka yimaada Soomaaliya.
Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga Uganda, Hilary Onek ayaa shaaciyay in sidoo kale dowladdu ay ka joojisay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo uu sheegay in aysan hadda ka jirin dagaallo.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo taageerada deeq-bixiyeyaasha ay si weyn hoos ugu dhacday, halka tirada dadka magangalyo doonka ahi ay weli si joogto ah u kordhayaan.
Wasiir Onek wuxuu tilmaamay inuu faray saraakiisha in aan loo diiwaan-gelin qaxooti dadka kasoo jeeda dalalka aan dagaalladu ka socon.
“Dalkaan dagaal kama jiro, sidaas darteed aqoonsi ma siinayno dadka ka imaanaya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo xusay in dadka horey u helay aqoonsiga qaxootinimo aan waxba laga beddelayn, balse dowladda aysan qaabili doonin dad cusub.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Uganda martigeliso labo milyan oo qaxooti ah, halka maalin kasta ay soo gaaraan boqollaal cusub, kuwaas oo intooda badan kasoo cararaya colaadaha DRC iyo Koonfurta Suudaan.
Waxa uu iftiimiyay in Uganda ay la shaqeynayso dalalka ay colaadaha ka jiraan si loo helo xasillooni u saamaxda qaxootiga inay dib ugu laabtaan.
“Siyaasaddeena furfuran ee qaxootiga waxay u ogolaanaysaa inay shaqeystaan, ganacsadaan, oo helaan adeegyada muhiimka ah, laakiin dhaqaale ahaan aad ayay noogu culus tahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in taageeradii UNHCR ee Uganda ay hoos u dhacday, iyadoo sanadkii hore ay gaartay $240 milyan, halka sanadkan ay noqotay wax ka yar $100 milyan.
Sanadkan ayuu sheegay in dowladda Uganda ay heshay oo keliya $18 milyan, taas oo xaaladda ka dhigtay mid aad u adag.
Xogaha rasmiga ah ayaa muujinaya in Uganda ay martigelisay 51,845 qaxooti Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhigan qiyaastii 3.3% dadka qaxootiga ah ee dalka ku sugan.

