Uhuru Kenyatta oo qaaday tallaabo uu ugu jawaabayo kuna cadaadinayo Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Kenya ayaa qaadday tallaabo u muuqata inay ugu jawaabeyso kuna cadaadineyso dowladda federaalka Soomaaliya, oo horey usoo ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, una yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Kenya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo, kuwaasi oo maanta booqasho ku tegay magaalada Nairobi.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland si heer madaxweynenimo loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi, isaga oo halkaas kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama oga waxyaabaha labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan, balse safarka ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblomaasiyadeed soo kala dhex galay dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay Muqdisho ka ceyrisay safiirkii Kenya.

Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in Kenya ay dal ahaan u aqoonsato Somaliland, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan inaysan sidaas sameyn doonin, balse ujeedka casuumadda uu yahay in lagu kululeeyo dowladda federaalka.

Kenya ayaa horey u qaaday tallaabo noocan oo kale ah markii ay is-qabteen Soomaaliya, ayada oo qunsuliyad aysan fasaxin dowladda federaalka ka furatay magaalada Hargeysa.

- Advertisement -

Read more

Local News