Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee Booliska Soomaaliya iyo markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee howlgalka Midowga Yurub ee Atlaanta ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga fuliyay badda, sida uu shaaciyay taliska Booliska.
Ujeedka howlgalkan ayaa mid tababar oo kor loogu qaadayo fulinta sharciga badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda ,waxaana uu ka qabsoomay gudaha biyaha.
Sawirro oo soo bandhigay taliska booliska ayaa muujinayo doomo nooca dheerayo iyo diyaarado kor kala socda oo isaga kala gooshayo xeebaha dheer ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ay haatan u diyaarsan yihiin ka hortegga xaaladaha deg-degga iyo a dagaalanka kalluumaysiga sharci darada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya.
“Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha Deg dega ah , la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah , ka hor tagga Burcad badeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Saddex doonyood oo nooca howlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha saraakiisha ilaalada xeebaha ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed”.
Soomaaliya ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineyso sidii biyaheeda u ilaashan lahayd, uguna howlgeli lahaayeen ciidanka badda ee dhowaan loo soo tababaray dowladda dhexe.