29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Ujeedka weerarkii Al-Shabaab ay Sabtidii ka fulisay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Sabtdii weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ku qaaday Godka Jilacow oo kamid ah xarumaha NISA ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhashay guul-darrooyinka kooxda kala kulantay furimaha dagaalka.

Wasiir Fiqi oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii shalay ay kooxdu ka laheyd inay ku daboolaan guul-darrada kasoo gaartay Awdheegle iyo abuurashada kalsooni.

“Kooxaha argagixisada markii looga guuleystay furimaha dagaalka, waxay soo abaabuleen camalkoodii lagu yaqaanay si ay u baabiiyaan guuldarrada kasoo gaartay Awdheegle iyo guuldarradii ka horeysay ee Ceeldheer,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Runtii waxaan dhihi karnaa meydadkoodii ayay Shabeellaha Hoose ka keeneen oo magaalada Muqdisho usoo dhaweeyeen. Waxaan amaaneyna ciidamada nabad-sugidda iyo booliska oo howl-galkii lagu soo afjaray kooxahaasi ka qeyb-galay, muddo koobana meydadkoodii banaanka soo dhigay, kana badbaadshay shacabka Soomaaliyeed khasaarihii ay rabeen inay u geystaan.”

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab uu soconaya illaa taakada u dambeysa Soomaaliya laga xoreynayo. “Mustaqbalka dalkeenna waa mid ifaya, yididiilo leh, taas oo ku timid iskaashiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kaalmada saaxiibada caalamka.”

Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab iyo sugida amniga, isagoo bogaadiyay ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin dadaallada xaqiijinta amniga.

“Waxaan bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana Ilaahay uga baryayaa shuhadada ciidamadeenna, saraakiil iyo askar intaba in shahaadadooda Ilaahay ka aqbalo,” ayuu ugu dambeyntiina Fiqi ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Weerarkii ay Al-Shabaab gelinkii dambe ee shalay ku galeen gudaha Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho ayaa imanaya xilli isla maalintaas la furay waddooyinkii u badnaa, kadib dadaal xooggan oo lagu xasiliyay amniga caasimadda.

Weerarkaas oo kooxdu usoo qorsheeyeen si ka duwan weeraradadii hore, iyagoo adeegsaday xeelad cusub oo ay ku qaldeen hay’adaha ammaanka, kadib markii ay isku soo ekeysiiyeen ciidamada, ayna isticmaaleen dareeska ciidanka Duufaan iyo astaantooda oo ay ku buufiyeen gaari Cabdi Bile ah oo ay u adeegsadeen qaraxa koowaad ee lagu furay weerarka.

Ragga weerarka fuliyay iyo gaarigooda ayaa magaalada kasoo galay dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna si caadi ah uga soo gudbeen ex-koontarool Afgooye, kadibna waxay soo abaareen gudaha oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed aad looga soo shaqeeyay.

Sidoo kale, waxaa u suurageliyay in gudaha ay usii gudbaan in Godka Jilacow ay xero ku dhex leeyihiin Duuufaan, taas oo keentay in aan laga shakin, lana baarin gaarigooda oo kadib qarxay, uuna xigay dagaalka ay meesha ku galeen raggii saarnaa oo dhammaantood xalay lagu toogtay gudaha taliska.

Weerarkan ayaa noqday mid muujinaya habacsanaanta habraaca ciidanku maraan gudaha caasimadda, iyadoo haatan dowladdu soo rogtay in la baaro gaadiidka ciidamada, si loo hubiyo cidda saaran.

- Advertisement -

Read more

Local News