28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Ururada iska diiwaan-geliyey doorashada Xasan Sheekh oo soo saaray mowqif cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan urur siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan-geliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ka mid ahaa ururradii lagu casuumay gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si wadajir ah u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan gogoshaas.

Ururradan oo kala ah Xaqsoor, Samadoon, DPC, Ramaas iyo Dhulka Hooyo, kuwaas oo ay hoggaamiyaan mas’uuliyiin hore oo dalka xilal sare kasoo qabtay, ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhoweynayaan gogosha Madaxweynaha, iyagoo tilmaamay inay muhiim tahay in gogoshu noqoto madal dhab ah oo lagu xallinayo is-mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.

War’saxaafadeedka ururradaasi ay soo saareen ayaa lagu sheegay in gogoshu ay noqon karto fursad wanaagsan oo lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed, isla markaana horseedi karta natiijo miro-dhal ah, balse waxay xuseen in taasi lagu gaari karo oo keliya haddii la qaado tallaabooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo dheellitirka iyo wada-hadal dhab ah.

Qodobadda ay soo jeediyeen ayaa waxaa ugu muhiimsana saddexdan qodob:

1. In Madaxweynuhu si cad u bayaamiyo in gogosha uu fidiyay ay tahay madal rasmi ah oo loogu talagalay wada-xaajood siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo ururrada mucaaradka, iyadoo yoolka laga leeyahay yahay in laga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

2. In la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban dowladda iyo mucaaradka, kaasoo diyaariya ajandaha, habraaca, muddada iyo cidda ka qaybgelaysa gogosha, si loo helo nidaam hufan oo lagu kalsoonaan karo.

3. In Madaxweynuhu kala saaro arrimaha lagu muransan yahay sida doorashooyinka iyo dastuurka, iyo kuwa la isku waafaqsan yahay sida la dagaallanka argagixisada, si aysan u dhicin in ajandaha gogosha la qalqal galiyo ama loo leexiyo jihada saxda ah.

Ururradan ayaa muujiyay muhiimadda in gogosha aysan noqon mid muuqaal ahaan qurxoon balse nuxur ahaan madhan, taas beddelkeeda loo baahan yahay in la muujiyo ujeeddo dhab ah iyo diyaar u ahaansho wax-ku-ool ah oo lagu wajaho caqabadaha taagan.

Ugu dambeyntii, waxay hoosta ka xariiqeen in haddii la qaato talooyinka ay soo jeediyeen, gogosha madaxweynuhu noqon karto fursad taariikhi ah oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed iyo horumar dhab ah oo dalka u horseeda xasillooni iyo is-aamin siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News