Caasimada Online: Wiil Afar Sano jir oo dalka Belgium-ka kaga qeybgalayay tartanka Got Talent oo habeen walbo Jimca ah laga sii daayo Tv-yada dalkaasi, wiilkaasi yar oo lagu magacaabo Tristan ayaa wuxuu soo bandhigay ciyaar Malaayiin qof ka yaabisay.
Tristan oo kasoo jeeda asal ahaan South Korea, isagoo ciyaarta uu soo bandhigayna ay aheyd heesta No 1 ka gashay caalamka ee looga daawasho badnaa inta la og yahay ee Gangnam Sytle oo uu ku luuqeeyo Fannaanka PSY ee isla South Korea kasoo jeedo.
Wiilkan yar ayaa kaalinta koowaad ka galay Tartanka Got Talent ee dalka Belgium-ka oo si toos ah looga daawanayay MTV iyo Tv-yada kale ee dalkaasi.